Dowlada Turkiga oo markii ugu horeysay sheegtay inay wadahadal la galayaan….

Inta Akhrisatay :10556

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Dalka Turkiga ayaa sheegay in dowlada ay qabaneyso wadahadalo  ay la gasho madaxa jabhada ka dagaalanta dalkaasi ee PKK ee maxbuuska ah Abdullah Ocalan.

Ocalan,oo horay la sheegay in loogu helay dambiga ah qiyaanada wadanka ayaa waxaa lagu xiray xabsi.

La taliyaha dhanka siyaasada ee ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga ayaa sheegay in dowlada ay soo gabogabeysay in la mamnuuco jabhada ka dagaalanta dalkaasi ee PKK.

Sanadkii ugu lasoo dhaafay waxaa laga dareemay dalkaasi Turkiga qalalaaso ay dhigayeen jabhada dalkaasi ee PKK.

Yalcin Akdogan lataliyaha ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegay  in wahadalada ay la galayaan Mr Ocalan ay qabanayaan diblumaasiyiin caalami ah.

“Muhiimadda kulanka aan la galayno PKK wuxuu yahay in hubka dhigis lagu sameeyo PKK,dowlada wey taageersan tahay wahadal kastaa oo ku dhamaanaya qalalaasaha xun”ayuu yiri la taliyaha ra’iisul wasaaraha dalkaasi kadib waraysi uu siiyay Tv-ga NTV television.

Wargeys-ka Hurriyad ee kasoo dalkaasi Turkiga ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan dowlada ay la kulmeen Ocalan bishii December 23 keedii ,kulankaasi oo socday muddo afar saac ah.

Jabhada PKK ayaa dagaalo ku dhifo oo ka dhaqaaq ah ka geystay dalkaasi marar badan kuwaasi oo ka dhacayay koofur bari dalka Turkiga in ka badan 25 sano,iyadoo isku dayaya aasaasida dadka kurdishka ah.

Waxaa isku dhacyadaasi ku dhintay dad gaaraya 40,000 oo ruux waxaana ku jira dad rayid ah oo ku waxyeeloobay dagaaladaasi u dhaxeeya jabhada PKK iyo dowlada dalka Turkiga.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

boko-haram Dhagayso:Qeybta koowaad Taariiqa Aasaska kooxda Boko Haram
- May 18, 2013
Aqristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Taariiqda dhameystiran ee ururka ...
2013222213459142621_8 Dowlada Kenya oo fariin ku aadan ka qeyb qaadashada dagaalka shabaab u dirtay Nigeria.
- May 18, 2013
Madaxweynaha cusub ee bishii April ee sanadkaan 2013 shacabka Kenya door bideen inuu daadihiyo ...
magaalada-kismaayo Arimaha ka taagan Kismaayo oo aragtiyo laga bixiyay iyo hadalka Daahir Ciiro
- May 18, 2013
Deeganada Jubbooyinka oo xilagan uu ka taagan yahay khilaafka dhanka maamulka ah ayaa waxaa ...
13614 C/Naasir Seeraar oo eedeeyay gudi dowlada ay u magacaawday arimaha Jubbooyinka
- May 18, 2013
Masuuliyiinta maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo ayaa eedeen ujeediyay Wafdiga Xukuumadda ay udirtay magaalada ...
KISMAAYO Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo wadahadal la leh maamulka Kismaayo
- May 18, 2013
Wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD ee maanta  ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada ...
index Muwaadin Somaliyed oo toorey ku dilay askari oo xukun lagu riday
- May 18, 2013
Mohamed Abdulkadir Osman,Waa muwaadin Soomaali Britain ah,waxaana lagu eedeeyay fal ah inuu Aalada tooreeyda ...
Ruto Kenya oo danaheeda darteed u dalbatay in la kordhiyo ciidamada AMISOM
- May 18, 2013
Sida uu baahiyay Jaraa’id ka soo baxa dalka Kenya madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ...