Thursday, April 17th, 2014

Ciidamada Japan oo wali gacanta ku haya dooni kaluumeysi oo ay la socdeen shaqaalo China u dhashay

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Japan ayaa gacanta ku dhigay doon kaluumeysi oo laga leeyahay dalka China ,kadib markii la sheegay inay kusoo xad gudubtay biyaha dalka Japan,sidaasi waxaa sheegay masuuliyiin ka tirsan China.

Doonta ayaa laga qabtay biyaha dalka Japan,gaar ahaan xeebaha gobolka Kagoshima,sidaasi waxaa daabacday wakaalada wararka dalka China ee Xinhua news agency.

Qunsiliyada dalka China ee dalka Japan ayaa sheegtay in doontaadi ay saarnaayeen shaqaale afar gaaraya,iyagoo la sheegay in doontaasi saacado ay gacanta ugu jirtay ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Japan.

Kabtanka doonta ay sii daayeen ciidamada ilaalada dalka Japan ayaa qirtay inay ku xad gudbeen biyaha xeebaha dalkaasi ,sida ay daabacday Xinhua news agency.

Arintaan ayaa imaanaysa bilooyin ka dib markii banaanbaxayaal kasoo horjeeda Japan ay ku banaanbaxeen magaalooyin dalka China iyagoo kasoo isku qilaafsanaa arinta ku aadan xeebaha laba wadan u dhaxeeya.

Kabtanka doonta iyo labo ka mid ah shaqaalihii saarnaa ayaa loo qaaday magaalada kagoshima si su’aalo loo weydiiyo ,halka lix kale oo saarnaa doonta looga tagay goobta,kuwaasi oo ka yimid gobolka koofur bari dalka China ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu qoray Xinhua news agency.

Masuuliyiin ka tirsan qunsuliyada China ee Japan ayaa gaaray magaalada kagoshima,si ay u booqdaan afarta shaqaalaha doonta la socday.

Xiriirka dowladaha Japan iyo china ayaa sii xumaaday waxii ka dambeeyay markii uu ka dhex bilowday qilaafka dhanka jaziirada ku salaysan,oo china looga yaqaan Diaoyu, halka Japan looga yaqaan Senkaku.

Dowlada Japan ayaa maamusha jaziirada Senkaku,iyadoo sidoo kale ay sheegato dowlada Taiwan,waxayna kala xirtaa qadadka maraakiibta caalamiga ay maraan,waxaana biyahaasi ay qani ku yihiin kaluumeysiga iyadoo shidaal badana uu ku jiro,sida lagu sheegay warka lagu qoray wakaalada wararka ee Xinhua news agency.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>