Weeraro ay ku dhinteen 7 ruux oo ka dhacay labo magaalo oo ka tirsan Nigeria

Inta Akhrisatay :5083

Afhayeen u hadlay ciidamada meletariga dalka Nigeria ayaa sheegay in kooxaha ka dhisan dalkaasi ay dileen ku dhawaad 7 ruux ka dib weeraro ka dhacay labo magaalo oo ku yaala waqooyiga dalka Nigeria.

Kooxda Boko Haram,ayaa la sheegay in shan ka mid ah todobadaasi ay ku dileen xaafad banaanka ka ah magaalada Maiduguri,sida uu sheegay afhayeenka ciidamada meletariga u hadlay.

Weerarka labaad ayaa ka dhacay dhismo dolwada ay leedahay oo ku yaala xuduuda ay Cameroon ,waxaana ku dhintay labo ruux oo midkood uu yahay booliska dalkaasi,waxaana weerarka geystay ruux hubeysan.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka ka dhacay labo magaalo oo yaala waqooyiga dalkaasi Nigeria.

Ciidamada meletariga ayaa la sheegay inay xereen seddex ruux  islamarkaana ay la wareegeen hub badan oo lagu fuliyay weerarkii ka dhacay duleedka magaalada Maiduguri.

Mid ka mid ah macalimiinta deegaanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in ruuxa hubeysan ay kusoo xoomeen dad badan ka hor inta uusan falka geysan,wuxuuna sheegay in dad badan ay dhinteen kuwaasi oo qaarkood cunaha ka go’ay.

Dilalkaan ka dhacay waqooyiga dalka Nigeria ,waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyay oo xiriir ay la leeyihiin kooxda Boko Haram,kuwaasi oo doonayo in ku dhaqanka shareecada islaamka laga hergiliyo dalkaasi.

Maalintii Arbacada weerar ka dhacay kaniisad ku taala magaalada Maiduguri waxaa ku dhintay lix ruux halka todobo kalana ay ku dhaawacmeen,waxaana masuuliyiida sheegtay Boko Haram.

Dalka Nigeria waxaa loo kala qeybiyaa waqooyiga oo ay ku badan yihiin Muslimiinta iyo koofurta oo ay ku badan yihiin dadka Christan-ka ah.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

baydhaba Qarax ka dhacay magaalada Baydhaba ee gobolka Hiiraan
- May 25, 2013
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay qarax khasaaro geestay ...
_67810380_pak_bus Caruur ku dhimatay dab haleelay gaari ay la socdeen.
- May 25, 2013
Caruurta waxay ahaayeen kuwo todobaadkiiba mar lagu soo qaado gaadiidka iskuulka ay ku tagi ...
13751 Jawiga Xaafada B uulo Xuubeey oo ka duwan subaxyadii hore
- May 25, 2013
Dadka xaafada Buulo xuubeey ee Degmada Wadajir ayaa saaka kusoo toosay iyadoo wado waliba ...
Madobe_soldier_slide Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} oo eedeyn u jeediyay DF Soomaaliya
- May 25, 2013
Madaxweynaha maamulka Jubbaland sheegtay inuu yahay Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe", ayaa waxa uu ...
asw DHAGAYSO:-Madaxda IGAD oo ku dhawaaqay Dowlada hadal ay ku faraxdo
- May 25, 2013
Waxaa kulan gaar ah oo looga hadlayay xaalada gobolada Jubbooyinka uu xalay ka dhacay ...
jabuti1 DHAGAYSO:- Mucaraadka Jabuuti oo dhaliilay dowlada Ismacil Cumar Geele.
- May 25, 2013
Mid kamid ah xisbi mucaaradka ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa waxay ka hadleen ...
index DHAGAYSO:- Siidii “Baraawe iyo deegaanada kale ayaan weerar ku nahay”
- May 25, 2013
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay howlgaladii ugu ...