Seddex ka mid ah Alqaacida oo lagu dilay duqeyn loo geystay goob ay ku sugnayen

Inta Akhrisatay :7722

Ku dhawaad seddex ruux oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Alqaacida ayaa lagu dilay dalka Yemen ,kadib markii diyaaradaha drone-ka dalka Maraykanka ay duqeeyeen koofur galbeed dalka Yemen.

Saraakiil ka tirsan gobolka ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhacay gobolka Albayda ee koofur galbeed dalka Yemen halkaasi oo ay ku dhinteen seddex ruux oo ka tirsan Alqaacidada dalkaasi.

Saraakiisha dalka Yemen ayaa sheegay in mid ka mid ah seddex ruux ee dhimatay uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Alqaacida laguna magacaabo Saleh Mohammed al-Ameri.

Maraykanka kama uusan hadlin weerarkaan ka dhacay koofur galbeed dalka Yemen,laakiin duqeyntaan ayaa waxay noqoneysaa markii afaraad oo duqeyn dhanka cirka ah muddo todobaad ah ay ka dhacaan dalkaasi.

Maalintii jimcaha ,labo ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin mucaraadka dalkaasi Yemen ayaa lagu dilay beriga Xadramout ,halka ugu yaraan shan kale ay ku dhinteen labo duqeyn oo 24 December ka dhacday dalkaasi.

Wakaalada wararka dalkaasi Yemen ee SANA ayaa sheegtay in dadka dhintay ee seddexda gaareysa ay yihiin kuwo ka tirsanaa Alqaacid.

Wadanka Yemen waxaa iminka lagu tiriyaa wadanka ay sida aad ah ugu badan yihiin Ururka Alqaacida,iyadoo diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay duqeymo ka geysanayaan dalkaasi.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

baydhaba Qarax ka dhacay magaalada Baydhaba ee gobolka Hiiraan
- May 25, 2013
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay qarax khasaaro geestay ...
_67810380_pak_bus Caruur ku dhimatay dab haleelay gaari ay la socdeen.
- May 25, 2013
Caruurta waxay ahaayeen kuwo todobaadkiiba mar lagu soo qaado gaadiidka iskuulka ay ku tagi ...
13751 Jawiga Xaafada B uulo Xuubeey oo ka duwan subaxyadii hore
- May 25, 2013
Dadka xaafada Buulo xuubeey ee Degmada Wadajir ayaa saaka kusoo toosay iyadoo wado waliba ...
Madobe_soldier_slide Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} oo eedeyn u jeediyay DF Soomaaliya
- May 25, 2013
Madaxweynaha maamulka Jubbaland sheegtay inuu yahay Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe", ayaa waxa uu ...
asw DHAGAYSO:-Madaxda IGAD oo ku dhawaaqay Dowlada hadal ay ku faraxdo
- May 25, 2013
Waxaa kulan gaar ah oo looga hadlayay xaalada gobolada Jubbooyinka uu xalay ka dhacay ...
jabuti1 DHAGAYSO:- Mucaraadka Jabuuti oo dhaliilay dowlada Ismacil Cumar Geele.
- May 25, 2013
Mid kamid ah xisbi mucaaradka ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa waxay ka hadleen ...
index DHAGAYSO:- Siidii “Baraawe iyo deegaanada kale ayaan weerar ku nahay”
- May 25, 2013
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay howlgaladii ugu ...