Ku dhawaad 19 ruux oo ah dad shiico ah ayaa ku dhintay weerar bambaano oo lala eegtay gaari ay la socdeen oo marayay koofur galbeed dalka Pakistan,sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan dowlada
Inka badan 20 ruux ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi oo ka dhacay deegaanka Mastung ee gobolka Baluchistan ee dalkaasi Pakistan,kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii gaariga saarnaa.
Bishii lasoo dhaafay 23 ruux oo ahaa dad shiico ah ayaa ku dhintay magaalada Rawalpindi,kadib weerar bambaano ah oo lala eegtay.
Ilaa iyo ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka bom ee lala eegtay dadka Shiicada ah maanta oo Axada ah,iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysay weerarkaasi.
Weerar dheerad ah oo la helayo ayaa sheegay in bamka uu ahaa mid laga hago meelaha fog ee “remote control” ah,laakiin saraakiisha dowlada saraakiisha dowlada ayaa sheegay in weerarka uu ahaa weerar ismiidamin ah
Saraakiisha dowlada ayaa shegay in qaar kamid ah dadka dhaawacyada qaba ay yihiin xaaladooda mid daran,taasi oo sababi karta in dhimashada ay sii kordhi karto.
Gaariga ay saarnaayeen dadkaan shiicada islaamka ah ayaa lasheegay inuu kusii jeeday wadanka Iran oo lagu tiriyo inuu yahay wadanka ugu badan oo ay ku sugan dadka shiicada ah.