Saturday, April 19th, 2014

20 ka mid ah kalkaaliyaal ciidan oo la dilay iyo labo ka badbaaday

Kooxaha ka dagaalama dalama dalka Pakistan ayaa lagu soo waramayaa inay dileen ku dhawaad 20 kalkaaliyaasha ciidamada dalkaasi,kuwaasi oo ay gacanta ku dhigeen iyaga oo ku sugnaa barkoontarool oo ku taal meel ku dhow magaalada Peshawar,sidaaasi waxaa sheegay saraakiil ka tirsan Pakistan.

Labo ka mid ah dadkii kalkaaliyaasha ayaa la sheegay inay baxsadeen,waxaana midkood la sheegayaa inuu ku jiro xaalad aad u cakiran.

Taalibaan ayaa sheegtay masuuliyada dilka loo geystay ciidamadaan,kuwaasi oo la sheegay in laga afduubtay muddo sii horeysay xero ciidan oo ku taala magaalada Peshawar.

Ciidamada booliska qabaa’ilka deegaanka ah ayaa la sheegay inay toogteen shaqsi ay horay u qabsadeen ,kaasi oo ay sheegeen inay u malaynayeen inuu ka tirsan taalibaanka ka dagaalama dalka Pakistan.

Kooxa dilka geystay ayaa la sheegay inay weerareen seddex bar koontarool oo ku taala koofurta magaalada Peshawar,oo kala xirta xuduuda Afganistan iyo Pakistan.

Labo ka mid ah saraakiisha ciidamada qabaa’ilka ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka ka dhacay meel ku dhow magaalada Peshawar.

Naved Akbar,oo ka mid ah saraakiisha dowlada hoose,ayaa shegay in dadka dhintay laga helay meel 4 km u jirta goobta ciidamadan laga afduubtay,isagoo sheegay inay kulan la qaateen odayaasha deegaanka.

Waa weerarkii sedexaad oo ka dhaca deegaanada ku xeeran magaalada Peshawar intii lagu jiro bishaan sii dhamaaneysa ee December,labo isbuuc ka hor ayay aheyd markii garoonka magaalada uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa,kaasi oo ay ku dhinteen afar ruux.

Sabtidii lasoo dhaafay siyaasi hore oo ka tirsan xigiba Awami National Party ayaa lagu dilay magaalada ,todobo kalana wey dhaawacmeen ka dib qarax kadhacay halkaasi.

Maalintii jimcaha madaxa ururka Taalibaan ee Pakistan, Hakimullah Mehsud,ayaa kasoo muuqday muuqaal uu kusoo bandhigayay in la furo wadahadal ka dhaca magaalada Islamabad.

Laakiin wuxuu kasoo horjeestay in sharci lagu soo rogo hubkiisa masuulna looga noqdo.

Dowlada dalka Pakistan ayaa sheegay in kabadan 35.000 ruux lagu dilay weeraro qorsheysan oo ay geysteen kooxda Taalibaan ee ka dagaalanka dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>