Burburka Stadium Muqdisho oo qiimeyn lagu sameeyay si dib loogu dhiso

Inta Akhrisatay :6760

Iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu culeys ku saarayo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM in ay ka guuraan garoonka kubada cagta Stadium Muqdisho ayaa xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab, Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka iyo Lex Vander oo ah kabiirka hada dhisaya garoonka Stadium Banaadir waxaa ay booqdeen garoonka weyn ee Stadium Muqdisho iyagoo soo kormeeray qeybaha uu garoonku ka kooban yahay soona qiimeeyeen baaxada burburka garoonka soo gaaray 20-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu weydiisanayo ururka FIFA in uu garoonkan dib u dhis ku sameeyo.

“Booqashadeenu waxaa ay xambaarsaneed sadex muhiimadood oo waaeyn, tan koobaad waxaa ay ahayd in ciidamada AMISOM loo muujiyo in wali ay naga go’an tahay in garoonku uu kusoo laabto gacanta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo in xiriirku uu ka dhur sugayo ciidamada AMISOM in ay ka dhabeeyaan balan qaadkoodii hore oo ahaa in ay garoonka ka guurayaan, xiriirka Soomaaliyeed waxaa uu doonayaa in uu qiimeeyo dhibaatada garoonka islamarkana uu dib u dhis ku sameeyo, taasina waa muhiimada labaad ee booqashadeena tan sadexaadna waxaa ay ahayd in ciidamada AMISOM culeys lagu saaro in garoonka ay ka baxaan, maadaama kusii jiritaankooda garoonku uu dib u dhac ku keenay cayaarihii gobalada ee aanu damacsanayn bishan in aan bilowno”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed maanta soo saaray.Waxaa uu xoghayuhu sheegay intii booqashadu socotay in khabiirku uu madaxda xiriirka siiyay talo iyo tusaalooyin ku aadan dib u dhiska garoonka oo xiriirku uu la kaashanayo ururka FIFA si cows artifishal ah loogu golglo si La mida stadium Banadir oo iminka howl ku socoto.

Intii ay socotay booqashadaas oo muddo saacado ah qaadatay ayaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa ay kulan muddo dheer socday la yeesheen Captain Angua oo ah sarkaalka xukuma ciidamada fadhiya Stadium Mudisho iyo saraakiil kale iyagoo weydiiyay in ay sharaxaad ka siiyaan sababaha hor taagan in ay fuliyaan balan qaadkoodii ahaa in ay garoonka ka baxaan bishan December.

“Saraakiisha AMISOM waxaa ay muujiyeen sida ay ugu diyaarka yihiin in ay garoonka ka baxaan, iyagoo xusay in madaxda sare ee AMISOM ee dagan garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku war geliyeen dalabka xiriirka islamarkaana ay filayaan in dhawaan ay war ka keenaan”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

“Waxaan u sheegnay taliyeheena ugu sareeya inay muhiim tahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in la siiyo fursad uu dib ugula wareego garoonkiisa waxaana aad ugu rajo weynahay in arrintu ay dhanka wanaagsan ku dhamaan doonto”ayuu captain Angua u sheegay masuuliyiinta xiriirka kubada cagta.

Xoghayaha guud waxaa uu war saxaafadeedkiisa ku sheegay in xiriirku uu muhiimad weyn siinayo garoonka Stadium Muqdisho oo uu doonayo in uu ku qabto tartamada waaweyn maadama uu yahay garoonka ugu weyn dalka.

Dhanka kale garoonka stadium Banadir oo iminka ay dhiseyso FIFA laguna qaabeynayho cows artifishal ah ayaa xiriirku sheegay in wixii ka dambeeya bisha Febraayo ee sanadka soo socda uu diyaar noqon doono si cayaaro loogu qabto.

Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada federalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdi Xakiin Xuseen Guuleed ayaa siyaabo kala duwan usoo booqday garoonka dhismuhu ku socdo.

“Waxaan uga mahad celinayaa ururka FIFA sida uu ugu dadaalay in kubada cagta Soomaaliya ayan bur burin in kabadan 20 sanadood oo dalku fowdo iyo dowlad la’aan ku jiray, waxaan dhanka kalana amaan u jeedinayaa mutadawiciinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo howl qaran oo balaaran dhabarka u dhigtay”ayuu wasiirka arrimaha gudaha u sheegay saxaafada mar uu booqday garoonka Stadium Banadir ee dhismuhu ku socdo.

Xoghayaha guud ee xiriirka kubadacagta Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in socdaalada madaxda dowladu ay ku tagayaan goobaha kubada cagta ay muujinayaan xiriir laba geesood ah iyo wada shaqeyn baaxad leh in ay leeyihiin dowlada soomaaliyeed iyo xiriirka kubada cagta dalka.

By Shafi’i Mohyaddin Abokar

Email:shafislow@yahoo.com


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...
images Miino lagu arkay buundo ku taala Muqdisho iyo waddooyin la xeray
- May 23, 2013
Miino lagu arkay Buundada Xamar jajab iyo ciidamo Booliis ah oo isku gadaamay,xirayna wadada ...
13715 Khaatuma oo wax dan u ah Jubbaland ka dalbatay dowlada Somaliya
- May 23, 2013
Maamulka Khaatumo State ayaa Dowladda Soomaaliya wuxuu ka dalbaday inay muujiso taageeradeeda ku aadan ...
13714 Maxaa iminka ka socda magaalada Wajeer la soco oo aqriso
- May 23, 2013
Magaalada Wajeer ee Gobalka NFD ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ...
Marka-Shabeelaha-Hoose DHAGAYSO:- “Marka wax ka jira malahan dadkii qorayna baaritaan ayaan ku wadnaa”
- May 23, 2013
Gudoomiyaha degmada Marka ee Shabeelaha Hoose Maxamed Cismaan Yarisow oo la hadlay warbaahinta ayaa ...
Baarlamaanka2 DHAGAYSO:- Xildhibaano aan ku qanacsaneyn waxii shalay dhacay
- May 23, 2013
Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay fashilkii shalay ...