Saturday, April 19th, 2014

Wararkii ugu dambeeyay waxii kasoo kordhay Jowhar Akhriso

Wararka naga soo gaaraya Xaafada Horseed ee dhanka bari ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen wiil dhalinyaro ah oo bastoolad ku hubaysnaa kaasi oo dil fulin rabay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in shaqsiga lasoo qabtay aan laga aqoon magaalada Jowhar islamarkaana uu ku xeran yahay saldhiga magaalada Jowhar ee Shabeelaha dhexe.

Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa waxay maanta soo xereen dhalinyaro badan oo ku sugnaa xaafada Baryare ee waqooyiga magaalada Jowhar waxaana la sheegayaa in la dhigay saldhiga.

Qaar ka mid ah ehelada dhalinyarada saaka la xeray ayaa sheegaya in lasii daayay qaar ka mid ah dhalinyaradaasi oo ay ku qaldameen ciidamada Nabad sugida.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada dowlada ee magaalada Jowhar ay wadaan baaritaano kale ,iyagoo gacanta kusoo dhigay labo wiil oo dhalinyaro ah kuwaasi oo xalay bam ku weeraray ciidamo ku sugnaa Hotel Cali macow oo ku yaala xaafada Bagaashka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>