Friday, August 22nd, 2014

Sababta ciidamada dowlada ay kaga soo baxeen Degmada Mahadaay Ogow

Waxaa faahfaahin buuxda laga bixiyay sababah keenay in ciidamada dowlada ay kaga soo baxeen degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maxamed Maxamuud Saney,oo ah taliyaha ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ka bixitaankii degmada Mahadaay ay aheyd arin Melatari.

Korneyl Saney ayaa sheegay in markii horeba ay kaliya doonayeen qabashada magaalada Jowhar ee Shabeelaha dhexe islamarkaana degmada Mahadaay aysan ka fogeyn.

Isaga oo hadlayay in ciidamada dowlada Soomaaliya aysan amar buuxda u qabin inay gudaha u galaan degmada Mahadaay ee Shabeelaha dhexe.

Ugu dambeyn wuxuu xusay inay Alshabaab ka wada saaran Shabeelaha Dhexe ay doonayaan sabab la xiriirta amar ay sugayaan.

Leave a Reply