Wednesday, April 23rd, 2014

Qaliinkii Madaxweyne Hugo Chaves oo la sheegay in lagu guuleystay

Qaliinkii lagu sameeyay madaxweynaha dalka Venezuela Chaves oo ka dhacay dalka Cuba ayaa la sheegay in lagu guuleystay in laga saaro madaxweynaha Unugyo yaryar oo cudurka Canser-ka ahaa,sidaasi waxaa sheegay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Venezuela Nicolas maduro.

Madaxweynaha Dalka Venezuela ayaa waxa uu marayaa qaliinkiisii afaraad ee looga daweynayo cudurka Canser-ka kaasi oo loogu sameeyo magaalada Havana ee caasimada Cuba ilaa 2011 dii.

Dhamaadkii Todobaadkaan markii ugu horeysay madaxweynaha dalka Venezuela Chaves ayaa sheegay in ruuxa kaliya ee la wareegi kara xilkii u magacaabay Mr Maduro.

Isaga oo kasoo muuqday TV Madaxweyne ku xigeenka Venezuela Maduro ayuu sheegay in madaxweynaha qallinkii lagu sameeyay uu ahaa mid lagu guuleystay sida uu sheegay xaaladiisana tahay mid wanaagsan.

Waxa uu sidoo kale madaxweyne ku xigeenka uu sheegay in muddo lix saac  ka badan uu socday qaliinka madaxweynaha dalka Venezuela.

Mr Chaves carruurtiisa iyo caruurta kale  awoowaha uu u yahay iyo waliba asxaabtiisa siyaasada sida madaxa kala fadhiyada qaranka Diosdado Cabello  iyo wasiiro kale ayaa ku sugan Havana si markaasi ay kaga agdhawaadaan Madaxweynaha Venisuela inta ay socdaan howlaha qaliinka ah ee u sameeynayo sidaasi waxaa sheegay Mr Maduro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>