Midowga Africa oo ka hadlay iscasilaadii Sheikh Diarra dalka Mali

Inta Akhrisatay :4342

Midowga Africa ayaa cambaareeyay iscasilaadii Sheikh Madibo Diarra Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Mali,taasi oo ay sheegeen inay aheyd arin lagu qasbay Sheikh Diarra.

Waxaana ay ugu baaqeen ciidamada awooda ku leh dalkaasi inay aqbalaan rabitaanka xukunka Shacabka dalkaasi Mali.

Nkosazana Dlamini-Zuma, Madaxa dhaqaalaha midowga Africa ayaa tiri “si qoto dher waxaan u cambaareyna iscasilaadii Diarra” kadib markii warmurtiyadeed ay soo saareen maanta oo arbaco ah.

Midowga Africa ayaa ka dalbaday ciidamada Meletariga dalkaasi inay si buuxda ay u hoos ugu dhigaan xukunka adag ee ay ku hayaan dadka rayid ah sida lagu sheegay warka kasoo baxay Midowga Africa.

Sheikh Diarra ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay,kadib markii cadaadis xoogan uu kala kulmay hogaamiyaha ciidamada afgambiga ku qabsaday waqooyiga dalkaasi Mali.

Madaxweynaha kumeelka gaar ee dalkaasi Mali ayaa si dhaqso ah usoo magacaabay Ra’iisul wasaare cusub ,isagoo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo dhisayo dowlad cusub dhamaadka todobaadkaan


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...
images Miino lagu arkay buundo ku taala Muqdisho iyo waddooyin la xeray
- May 23, 2013
Miino lagu arkay Buundada Xamar jajab iyo ciidamo Booliis ah oo isku gadaamay,xirayna wadada ...
13715 Khaatuma oo wax dan u ah Jubbaland ka dalbatay dowlada Somaliya
- May 23, 2013
Maamulka Khaatumo State ayaa Dowladda Soomaaliya wuxuu ka dalbaday inay muujiso taageeradeeda ku aadan ...
13714 Maxaa iminka ka socda magaalada Wajeer la soco oo aqriso
- May 23, 2013
Magaalada Wajeer ee Gobalka NFD ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ...
Marka-Shabeelaha-Hoose DHAGAYSO:- “Marka wax ka jira malahan dadkii qorayna baaritaan ayaan ku wadnaa”
- May 23, 2013
Gudoomiyaha degmada Marka ee Shabeelaha Hoose Maxamed Cismaan Yarisow oo la hadlay warbaahinta ayaa ...
Baarlamaanka2 DHAGAYSO:- Xildhibaano aan ku qanacsaneyn waxii shalay dhacay
- May 23, 2013
Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay fashilkii shalay ...