Faahfaahin :- Wafdigii kasocday dalka Jabuuti ee soo gaaray Muqdisho

Inta Akhrisatay :3380

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Garoonka Muqdisho ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti ee howlgalka ujooga dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Arnaa’ud Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka maanta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ay tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Jabuuti iyo sidoo kale dalka Soomaaliya.

Maxamed Cusmaan Sheekh Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta Magaalada Muqdisho uu soo gaaro Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa loo galbiyay Aqalka Baarlamaanka dalka Soomaaliya halkaasi oo uu kula hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in Xildhibaanada ay yihiin wakiilo matalaya shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay mar waliba inay ka fekeraan shacabkooda Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay ee Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu soo gaaro Magaalada Muqdisho islamarkaana uu hortago Baarlamaanka Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa dalka Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo ku howlgala magaca AMISOM kuwaasi oo ku sugan Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan iyo Magaalada Muqdisho.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

idle yare Fanaanka Iidle Yare oo Hees aad u macaan soo saaray + DHAGEYSO
- May 20, 2013
Fanaanka Iidle C/llaahi Iidle Yare ayaa soo saaray Hees aad u macaan oo soo ...
123 Odayaasha Dhaqanka Beesha Maxamud Hiraab oo Taageeray Maamulka Axmed Madoobe
- May 20, 2013
Waxgaradka Culumaa,udiinka Haweenka,Siyaasiyiinta Beesha Mohamud Hiraab (Duduble) ayaa baaq taageero ah u diray Maamulka ...
Xui a XIliga la qabanayo doorashada maamulka Ximan iyo Xeeb oo la shaaciyay
- May 20, 2013
Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Maamulka Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi “Dhage Cade” oo shir jaraa’id ...
2 Ururka kobciye Community centre oo Shir Lagu Mideynayo Soomaalida degan Islii Qabtay
- May 20, 2013
Waxaa shalay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii ka dhacay xaflad si wayn loo ...
boko-haram DHAGAYSO:Qeybta Seddexaad ee Taariiqda Boko Haram
- May 20, 2013
Aqristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Taariiqda dhameystiran ee ururka ...
Shinaha Shiinaha iyo India oo ka wada hadlay xiriirka labada wadan iyo hishiisyo ganacsi oo dhexmara.
- May 20, 2013
Ra’iisul wasaaraha Shiinaha Li Keqiang, ayaa maanta ka sheegay magaalada Delhi ee dalka India ...
asad Ciidamo boolis ah oo dhar lala yaabo xeran oo saaka lagu arkay Kismaayo
- May 20, 2013
Ciidamo badan oo ka tirsan booliska ayaa la sheegayaa in saaka magaalada lagu arkay ...