Thursday, August 21st, 2014

Ahlu sunna oo ciidamada qabsaday Jowhar u sheegtay inuu horyaalo waajibaad kale

Tan iyo waxi ka dambeeyay markii ciidamada dowlada ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Jowhar iyo deegaanada kale ee ku yaala Shabeelaha Dhexe waxaa soo kordhayay taageerada ka imaanaysa dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.

Ururka Ahlu sunna ee Gobolada Dhexe ayaa taageeray qabashadii Jowhar iyo degmada Mahadaay oo ay qabsadeen ciidamada huwanta kadib markii Alshabaab ay isaga baxeen halkaasi.

Masuliyiin u hadashay Ahlu sunna gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada ay ku guuleysatay xaqiijinta qabashada Jowhar iyo deegaano kale.

Laakiin ay jiraan waajibaad saaran ciidanka qaranka oo ku aadan inay xaqiijiyaan amaanka dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada laga saaray Alshabaab.

Sidoo kale Ahlu sunna ayaa ugu baaqday saraakiisha ciidamada dowlada inay saaran tahay waajib ah inay xoreeyaan deegaanada ay ku harsan yihiin Alshabaab.

Leave a Reply