Tarsan ” Idaacadda Shabeelle wexey ka hartay Isbaarooyinkii muqdisho ” + DHAGEYSO
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ku eedeeyay in ay tahay Isbaaro kooxo Gaar ah ay dhigteen.
“ Shabeelle wexey ka hartay Isbaarooyinkii magaalada laga qaaday, wexeyna kasoo horjeedaa Horumarka Magaalada Muqdisho “ ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Tarsan ayaa hadalkaan ka sheegay isu bax balaaran oo lagu taageerayay Guulaha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka gaareen Magaalada Jowhar, wuxuuna dadkii isu soo baxay u sheegay in Idaacadda Shabeelle ay ka hartay Isbaarooyinkii Magaalada Muqdisho laga qaaday.
Gudoomiye Maxamuud Axmed Nuur Tarsan wuxuu Shabeelle ku eedeeyay in Shacabka Muqdisho ay Kicinayaan oo ay ku dirayaan Dadka aan Walaalaha nahay ee Turkiga, wuxuuna tusaale usoo qaatay warbixin Kicin aheyd oo Idaacadda Shabeelle ay ka diyaarisay dhul Turkiga ay ka dhisanayaan Magaalada Muqdisho oo ay ku sheegeen in Shacab masaakiin ah ay xoog uga qaateen.
Dhageyso Hadalka Gudoomiye Tarsan
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Xafiiska Wararka MuqdishoNews.com
Muqdisho-Soomaaliya
Wararka@hotmail.com








kkkkkkkkkkkkk WAA WAASHEY HALA XERXERO ISBAARO IYO WAXOOW ISKU METELAA IDAACAD JIRTO OO LA WADA YAQAANO MASUUL SARE AYAAD TAHAY AFKA CESHO CEEB YEEY KAA HARIN IDAACADA WAX WALBO KALA XAAJOO LKN HA U GAFIN WAAN OGNAHAY IN AAD JECESHAHAY IDAACADAHA IN KUU AFDUUBNAADAAN TII AAD DOONEYNIN AAD AF IDIN KULA DAGAALANTO AAN HORSEED KUU AHEEN WARIYIHII AAD DISHEYNA WARIYE XIIS WAA OGEEN WELI LAGUMA ILOOWIN BY,,,,,,,,,,,,