Thursday, April 17th, 2014

Saraakiisha Dowlada ee ku sugan Shabeelaha Dhexe oo hanjabaad jeediyay

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu laaban doonaan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo maalin ka hor ay kasoo baxeen.

C/llaahi Cali Caanood,Taliyaha Gaaska koowaad ee ciidamada xooga dalka ,oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyada badan ugu laaban doonaan degmada Mahadaay.

“Waxaa xigi doona howl gal labaad oo aan Jowhar uga talaabeyno, deegaanada kale ee Shabellaha Dhexe ayaynu sii gaari doonaa, maalintii aan qabanay Jowhar, Mahadaay iyo Buurane ayaa tagnay, waxay aheyd inaan cadawga sii fogeyno”ayuu yiri Jen. Caanood.

Dhanka kale C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in qorshaha labaad ee ay doonayaan inuu yahay sugida amaanka wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe.

Taliyaha ayaa sheegaya inay ciidamo badan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya la  geyn doono wadadaasi si ay amaanka u xaqiijiyaan,isago xusay in Alshabaab dambe aan lagu arkin doonin halkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>