Thursday, April 17th, 2014

Ra’iisul wasaarihii dalka Mali oo ku dhawaaqay inuu iscasilay.

Ra’iisul wasarihii dalka Mali Cheick Modibo Diarra, ayaa ku dhawaaqay saacado kadib markii la xiray inuu iska casilay xilkii uu ka hayay dalkaasi Mali.

“Aniga oo ah Cheick Modibo Diarra,waan iska casilay xilkii aan ka hayay dowladayda” ayuu yiri Diarra isagoo hadal kooban jeediyay,waxaana sidaasi cadeeyay wakaalada Wararka ee AFP iyo Warbaahinta qaranka gudaha dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Diarra ayaanan faahfaahin ka bixin waxyaabaha dhaliyay incasilaadiisa iyo cidda ku gacan siisay qaadashada Go’aankaasi.

Aroortii hore ee saaka Bakary Mariko oo ah afhayeen ciidamada dalkaasi ee awooda ku leh dalka Maali ayaa sheegay in Diarra ay xereen isagoo doonayay inuu ka baxsado dalkaasi mali.

Mariko waxa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha  is casilay loosoo jeediyay eedeymo kala duwan uuna doonayay inuu dalka mali ka baxsado islamarkaana uu tago dalka France.

Diarra ayaa la xeray gelinkii dambe ee shalay ,waxaana xeray askar gaaraysa labatan askari.

“Waxay dhaheen Kabtan Sanogo ayaa ku amray inay soo xeraan isaga”ayuu ku diray hogaamiyaha ciidamada amgambiga ku qabsaday dalkaasi.

Dadka goobjoogayaasha u ahaa marki la xereyay Diarra ayaa sheegay in askarta ay sarqaamiyeen Ra’iisul wasaaraha kadibna ay dariishada kala baxeen isaga.

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa jirtay xiisad ka dhex aloosantay askarta afgamiga ku qabsatay dalkaasi Mali iyo ciidamada daacada u ah Diarra.

Isbuucii lasoo dhaafay Ra’isul wasaare Diara ayaa abaabulay banaanbax looga dalbanayo Qaramada  in dib ciidamada meletariga dib looga saarayop waqooyiga Mali halkaaasi oo ay ku xoogan yihiin kooxaha afgambiyay dowladii hore.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Diarra uu duubay warbixin kooban oo uu doonayay markii uu dhoofo kadib laga sii daayo Telefishanka qaranka dalkaasi,kaasi oo ciidamada ka warheleen islamarkaana ay gaareen xarunta ugu weyn TV-ga qaranka iyaga oo la wareegay cajaladii ay wax ku duubnaayeen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>