Wednesday, April 23rd, 2014

Ra’iisul wasaaraha Maali oo xabsiga la dhigay

Saraakiisha Wadanka Mali ayaa sheegay in Ra’iisul wasaarihii dalkaasi Xabsiga la dhigay kaddib markii uu isku dayay in uu ka baxsado dalka islamarkaana uu u cararo dalka Faransiiska.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Milatariga Maali ayaa sheegay in Ra’iisul Wasare Cheik Mobido Diarra lagu tuhmay in uu isku dayay in uu dalka ka cararo taasi oo uu ku doonayay in uu ku carqaladeeyo dimoqoraadiyada horay loogu tilaabsanayo.

Amarka lagu xiray Ra’iisul wasaraha Maali ayaa lagu waramayaa in uu bixiyay hogaamiyihii Afganbigii March Amadu Sanogo kaasi oo tilmaamay in qorshayaal ka dhan ah dalka uu wado Ra’iisul wasaaraha.

Xiisada u dhaxeysa Askarta Afganbiga ku qabsaday dalka Maali iyo Ra’iisul wasaaraha rayidka ah ayaa sare u sii kaceysa todobaayadii la soo dhaafay waana taasi mida la aamin sanyahay in xiritaanka Ra’iisul wasaraha Maali ay ka danbeyso.

Xafiiska Wararka MuqdishoNews.com
Muqdisho-Soomaaliya
Wararka@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>