Hugo Chavez oo maanta baaritaano caafimaad maraya ku sugan Cuba

Inta Akhrisatay :2561

Madaxweynaha dalka Venezuelan Hugo Chavez ayaa maanta waxa uu marayaa baaritaan caafimaad ka dib marki uu maalintii shalay dib ugu laabtay dalka Jaarka ay yihiin ee Cupa.

Sida uu saxaafa u sheegay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Venezuela Nicolas Maduro  Hugo Chavez ,ayaa maanta waxaa la sheegayaa in lagu sameyn doono baaritaano kadibna lagu sameyndoono qaliinkiisii Afaraad ee cudurka Kansarka ah.

Hugo Chavez,ayaa maalintii shalay gaaray dalka Cuba halkaasi oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Raul Castro.

Chavez oo kasoo muuqday Talevision-ka Qaranka dalkaasi ayaa sheegay in xanuun dartiis uu ugu laabanayo maalin ka dib markii uu gaaray wadanka uu madaxweynaha ka yahay.

“Intii tijaabada lagu jiray,waxaan dareemay xanuun,waxaana jiro unugyo dilaa ah”ayuu yiri Hugo Chavez.

Ilaa iyo iminka lama oga xanuunka madaxweynaha Venezuelan Hugo Chavez,sidoo kale dhaqtarkiisa ku sugan Cuba ayaanan sharaxaad ka bixiyay nooca uu yahay cudurka kansarka ee haya Mr Chavez.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

Somalia Sacuudiga: Soomaaliya oo ka badisay Nigeria
- May 24, 2013
Soomaalida waxay ku qeybyihiin Nigeria oo ay xalay la cayaareen, Cameroon iyo Chad oo ...
images Kenya oo looga digay taageerada maamulka Jubbaland.
- May 24, 2013
Dowlada Kenya ayaa waxaa la weydiiyay inay dib kaga fakarto taageerada ay siinayso maamulka ...
asasd Siyaasiga Xasan Maxamed Cismaan [Xasan Xaaji] oo Ku Dhawaaqay inuuu Yahay “Madaxweynaha” Jubbaland?
- May 24, 2013
Iyadoo maalinba maalinta kadambeysa ay sii kordhayaan tirada siyaasiyiinta ku dhawaaqaya inay yihiin madaxweynaha Maamulka ...
asada Dowlada Kenya oo laga dalbaday bilowga diiwaan gelinta qaxootiga Soomaaliyeed.
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday inay dib u bilowday diiwaan gelinta qaxootiga ...
_67788422_018096031_ap Weeraro ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Niger iyo dad badan oo dhintay.
- May 24, 2013
Weeraro ismiidaamin ah ayaa waxay ka dhaceen xerooyin ciidamada meletariga ay leeyihiin oo ku ...
13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...