Wednesday, April 23rd, 2014

Deg deg :- Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar

Wararka Ka’imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Qaraxa Jugtiisa aad loo maqlay uu dhowaan ka dhacay magaalada Jowhar.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn buundada magaalada Jowhar, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ciidamada dowladda ayaa durbaba goobta tagay waxaana lasoo sheegayaa in uu yaalay meydka wiil dhalinyaro ah.

Ciidamada ayaa iminkaba howlgallo ka sameynaya Meelaha u dhow goobta la qarxiyay ee magaalada Jowhar.

C/casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Howlgalada Al-Shabaab ayaa horey u sheegay in Jowhar ay u diyaariyeen sidii dhiig cusub ay ugu daadin lahaayeen.

Xafiiska Wararka MuqdishoNews.com
Muqdisho-Soomaaliya
Wararka@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>