Thursday, April 24th, 2014

Ciidamada sida Gaarka ah u tababaran Alfa Group oo Howlgalo dad iyo Mino lagu so qabtay maanta ka sameyay Jowhar.

Ciidamada dowladda somalia gaar ahaan kuwa nabad sugidda iyo ciidamada Amisom ayaa howlgal ka sameeyay magaalada jwhar ee xarunta gobolka Shabelaha Dhexe halkaas oo ay dhawaan kala wareegeen AL Shabab.

Maxamed Amiin Aqiil oo ah Guddoomiyaha degmada Jowhar ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal goor hore oo maanta laga sameeyay magaladaas isla markaasna sheegay inay laga sameeyay howlgalkaas xarunta degmada,Dhismooyin ay dowladda lahaan jirtay iyo xarumo kale oo ay Hay’adaha daganaan jireen.

Howlgalkaan ayuu shegay guddoomiyaha Jowhar in ay gacanta kusoo dhigeen miinooyin isla markaasna ay dagaal yahanno ka tirsana AL Shabab ay dowladda isku soo dhiibeen.

Ciidamada ayaa miino kasoo saaray gurigii gobolka isla markasna howlgalkaan ayaa waxaa fuliyay ciidamada Nabad sugidda gaarka ee Afka xiran ee Alfa Group.

Howlgalka ayuu sheegay maamulka Jowhar inuu sii soconaayo ilaa laga xaqiijinaayo amaanga  guud ahaan magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>