Saturday, August 23rd, 2014

Alshabaab oo la sheegay in dhawaan laga weyn doono gobolka Gedo

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa hanjabaad kulul jeediyay taasi oo ku aadan in Alshabaab ay ka wada saari doonaan gobolka Gedo.

Diyaad Cabdi Kaliil,oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamada huwanta ee ku sugan gobolkaasi ay isku diyaarinayaan in Alshabaab ay ka sifeeyaan Gedo.

Waxa uu sheegay in dhawaan ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ka sameynayaan deegaanada gobolka Gedo gaar ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Waxa uu yiri Diyaad Cabdi Kaliil “gobolada dalka oo dhan waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah Alshabaab ,Jowhar iyo Mahadaay waa la qabtay,lagamana reebayo Baardheere iyo Buurdheere”.

Ugu dambeyn wuxuu xusay in Alshabaab awoodooda ay wiiqantay islamarkaana laga saarayo gobolada dalka Soomaaliya.

Leave a Reply