Saturday, April 19th, 2014

Alshabaab farmuuqeeyn shacabka Jowhar oo lasoo qabqabtay

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo la wareegay magaalada Jowhar ayaa gacanta kusoo dhigay askar ka tirsanaa Alshabaab oo watay gaadiidka dagaalka.

Sida dadka deegaanka ay u sheegeen Muqdishonews.com askarta lasoo qabtay ayaa watay gaadiidka dagaalka iyo dhaqaalo la sheegay inay u wadeen Alshabaab kale oo ku dhaqan duleedka deegaanada bariga Jowhar ku yaal.

Askarta lasoo qabtay ayaanan la sheegin tirada inta ay gaarsiisan tahay laakiin,waxaa la sheegay in dhamaan la keenay saldhiga magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Alshabaab ayaa waxay ku firxeen deegaano dhanka bari kaga yaala Shabeelaha dhexe.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulkadegmada iyo kan gobolka oo ay kaga hadlayaan Alshabaabkaan lasoo qabqabtay.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in shacabka Jowhar ay farmuuqeen  dadkaani kuwaasi oo si weyn loo yaqiinay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>