Wednesday, April 16th, 2014

Al Shabab lagu qab qabtay Afgooye kadib howlgal laga sameeyay howlgal.

Howlgalkaan oo ay sameeyeen ciidamda nabad sugidda qaranka somalia ayaa waxaa laga sameeyay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeleha Hoose.

Ciidamada Nabad sugidda ayaa baaritaanno ay saakay ka sameeyeen Xaafadaha Dhagaxtuur,21 October iyo Xaawo taako ee degmada Afgooye ayay gacanta kusoo dhigeen rag lala xiriirinaayo inay ka tirsan yihiin AL Shabab.

Dadka ku sugan degmada Afgooye ayaa sheegay in 12 qof oo lagu tuhmaayo inay ka tirsanaayeen dagaal yahanada Al Shabab lagu qabtay howlgalkaas.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Afgooye Mahdi Xasan ayaa ka warbixiyay howlgalkaan isla markaasna sheegay in dadkii lasoo qab qabtay ay ku haayaan xabsiga degmada Afgooye halkaas oo Su’aallo lagu waydiinaayo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee howlgal laga sameeyay magaalada Afgooye ee gobolka Shabelaha hoose waxaana tan iyo markii ay ciidamada la wareegeen magaalda ay la kulmeen qaraxyo iyo weeraro kaga imaanayay al shabab.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>