Abu Zaid Al-kuwaiti oo la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday duqeyn diyaaradeed

Inta Akhrisatay :5096

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan Dalka Pakistan waxaa dalkaasi lagu dilay Hogaamiyo sare oo ka tirsanaa AlQaacida  kadib duqeyn ka dhacday dalkaasi Pakistan.

Sheikh Khaled bin Abdul Rahman,oo loo yaqiinay Abu Zaid Al-kuwaiti  ayaa la sheegay inuu geeriyooday islamarkaana ay dhaawacmeen 10 kale deegaanka Mir Ali oo ku taal waqooyi gobolka Waziristan.

Waxa uu ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan Alqaacida waxii ka dambeeyay markii bishii la dilay Abu Yahxya Al-libi kaasi oo ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo diyaaradaha mareykanka ka geysteen dalkaasi.

Saraakiisha Pakistan iyo Maraykanka ayaanan wali ka hadlin arintaan wallow saraakiil Taalibaan ka tirsan ay xaqiijiyeen geerida Abu Zaid Al-kuwaiti.

Saraakiil ka tirsan Daalibaan ayaa BBC u sheegay in Khaalid Bin Abdul Raxman oo 46 sano jir ah uu ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacay deegaanka Mubarak Shahi talaadadii lasoo dhaafay.

Saraakiil ka gaabsatay magacooda ayaa u sheegay AP in Khaalid la duugay maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Waxaa sidoo kale ay ku daren intaasi in xaaskiisa iyo gabadhiisa ay ku dhaawacmeen duqeynta iyadoo xaaskiisa maalintii lasoo dhaafay ay u geeriyootay dhawaciisa kadib markii la geeyay isbitaal ku yaala Miran shah.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in tirada dhimashada ee duqeyntaasi ay gaareysay seddex ruux kuwaasi oo ay ku jireen labo ka mid ah ciidamada ku sugan gobolkaasi.

Maalintii Axada ayaa la sheegay in saraakiil kale oo ka tirsan Alqaacida in lagu dilay duqeyn diyaaradaha Maraykanka ay ka geysteen Dalkaasi Pakistan.

Duqeymaha diyaaradaha Maraykanka ay ka geysanayaan Pakistan ayaa sii kordhay waxii ka dambeeyay sanadkii 2009 markaasi oo xilka madaxweynaha Dalka Maraykanka la wareegay Brack Obama.

Duqeymaha waxaa ku dhintay saraakiil katirsan Alqaacida iyo hogaamiyaal Daalibaan ah sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jiray ciidamo iyo dad rayid ah,iyadoo Pakistan sanadkii 2011 lagu dilay OSAMA BIN LADEN.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

baydhaba Qarax ka dhacay magaalada Baydhaba ee gobolka Hiiraan
- May 25, 2013
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay qarax khasaaro geestay ...
_67810380_pak_bus Caruur ku dhimatay dab haleelay gaari ay la socdeen.
- May 25, 2013
Caruurta waxay ahaayeen kuwo todobaadkiiba mar lagu soo qaado gaadiidka iskuulka ay ku tagi ...
13751 Jawiga Xaafada B uulo Xuubeey oo ka duwan subaxyadii hore
- May 25, 2013
Dadka xaafada Buulo xuubeey ee Degmada Wadajir ayaa saaka kusoo toosay iyadoo wado waliba ...
Madobe_soldier_slide Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} oo eedeyn u jeediyay DF Soomaaliya
- May 25, 2013
Madaxweynaha maamulka Jubbaland sheegtay inuu yahay Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe", ayaa waxa uu ...
asw DHAGAYSO:-Madaxda IGAD oo ku dhawaaqay Dowlada hadal ay ku faraxdo
- May 25, 2013
Waxaa kulan gaar ah oo looga hadlayay xaalada gobolada Jubbooyinka uu xalay ka dhacay ...
jabuti1 DHAGAYSO:- Mucaraadka Jabuuti oo dhaliilay dowlada Ismacil Cumar Geele.
- May 25, 2013
Mid kamid ah xisbi mucaaradka ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa waxay ka hadleen ...
index DHAGAYSO:- Siidii “Baraawe iyo deegaanada kale ayaan weerar ku nahay”
- May 25, 2013
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay howlgaladii ugu ...