Wednesday, August 20th, 2014

Weerar dad rayid ah ay ku dhinteen oo ka dhacay saldhig ku yaala Pakistan.

Ku dhawaad sided ruux oo ay ku jiraan seddex Boolis ah ayaa geeriyootay kadib markii weerar ismiidamin uu ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaala gobolka Khyber ee dalka Pakistan.

Gobolka Kheybar ayaa ku yaala xuduuda ay wadaagaan wadamada Pakistan iyo Afganistaan sidaasi  sheegay saraakiil ka tirsan Pakistan.

Wararka ayaa sheegaya in dadka weerarka geystay ay rasaas fureen,waxaana uu ka dhacay weerarka saldhig lagu magacaabo Kaki kaasi oo 13 km u jira koofur Galbeed magaalada Bannu.

Qaraxa ayaa dhacay markii laga soo baxay salaadii subax ee saaka iyadoo faahfaahinada la helaya ay kala duwan yihiin.

Sarkaal u hadlay Booliska ayaa sheegay in qaraxa uu saameeyay saldhiga ,masaajis ku dhawaa,guryo iyo seddex dukaan oo ku yaalay agagaarka saldhiga Kaki.

Sidoo kale sarkaalka Booliska u hadlay ayaa sheegay in labo ruux oo ay ku xernaayeen waxyaabaha qarxa ay is qarxiyeen ruux sedexaadna uu baxsaday isaga oo dhaawacan.

“Seddex ruux ayaa soo weerartay saldhiga Kaki ,waxay dileen seddex boolis ah iyo labo rayid ah”sidaasi waxaa yiri Iftikhar Hussein afhayeenka Gobolka kheybar.

Saraakiil caafimaad oo ku sugan gobolka ayaa sheegay in dad kale oo ku dhaawacmay qaraxa ay dib ka dhinteen taasi oo tirade dhimasha ka dhigtay ilaa lix ruux.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada weerarka ka dhacay gobolka Kheybar.

Dhanka kale Dagaalyahano looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Daalibaan ayaa la sheegayaa inay fal dil ah u geysteen madaxii arimaha haweenka ee gobolka Lehman iyadoo sidoo kale madaxii ciidanka Gobolka Heart lagu dilay qarax la dhigay wadada dhinaceeda.

Nadia Sadiqi agaasimahii ama madaxii arimaha haweenka ee gobolka Bariga Lehman ayaa la sheegay inay tookteen labo ruux oo aan la sheegin waxa ay ahaayeen.

Axmed Sherzad oo ah madaxa ciidamada Booliska gobolka Lehman ayaa u sheegay AFP inay soo qabteen dadkii kadambeyay weeraradaasi dilalka ah baaritaanana ay ku socdaan sida uu sheegay.

Leave a Reply