Natiijada doorashooyinka dalka Chana oo lagu dhawaaqay.

Inta Akhrisatay :4901

Doorashooyinkii dalka Chana ka socday maalmahaan ayaa ugu dambeyn lagu dhaawaqay natiijada kasoo baxday doorashooyinkaasi,waxaana ku guuleystay John Mahama madaxweynaha talada dalkaasi.

Gudiga doorashooyinka ayaa sheegay in Mr Mahama uu helay codad gaaraya 50.7% halka Nana Akufo Addo oo la tartamayay Mahama uu helay 47.7%,waxaana sidaasi ku dhawaaqay masuul u hadlay gudiga doorashooyinka.

Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee NPP Nana Addo ayaanan ku qancin doorashada iyo sidii u dhacday waxaana uu sheegay in gudiga doorashooyinka ay sameeyeen wax isdaba marin maalintii Jimcaha aheyd.

Madaxweynaha dib loosoo doortay ee Mahama ayaa yiri “dhamaan hogaamiyaasha siyaasada waa inay ku qancaan ayna xusmeeyaan codka shacabka Chana”.

Booliska dalka Chana ayaa lasoo dhigay caasimada dalkaasi ee Accra iyagoo isticmaalaya suntan dadka ka ilmeysiisa waxaana ay u isticmaalayeen banaanbaxayaasha mucaaradka kuwaasi hortubnaa banaanka xafiisyada gudiga doorashooyinka dalkaasi.

Taankiyo waaweyn ayaa sidoo kale lasoo dhigay xarumaha gudiga doorashooyinka iyo wadooyinka ku hareeraysay taasi oo sababtay inay wada ay xiraan booliska.

“Mudanayaal iyo marwooyin sidaasn idiin sheegnay natiijadii doorashada waxaan cadeynaynaa in John Dramani Mahama uu yahay madaxweynaha dalka Chana”sidaasi waxaa yiri madaxa gudiga doorashooyinka dalkaaso Kwadwo Afari-Gyan oo la hadlay saxaafada dalkaasi.

Wadanka Chana waa wadanka kaliya ee dunida sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqaalihiisa uu kusoo kobcay,waana wadanka kaliya ee ugu degen marka loo eego wadamada Dimoqraadiga ku dhaqma.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

images Kenya oo looga digay taageerada maamulka Jubbaland.
- May 24, 2013
Dowlada Kenya ayaa waxaa la weydiiyay inay dib kaga fakarto taageerada ay siinayso maamulka ...
asasd Siyaasiga Xasan Maxamed Cismaan [Xasan Xaaji] oo Ku Dhawaaqay inuuu Yahay “Madaxweynaha” Jubbaland?
- May 24, 2013
Iyadoo maalinba maalinta kadambeysa ay sii kordhayaan tirada siyaasiyiinta ku dhawaaqaya inay yihiin madaxweynaha Maamulka ...
asada Dowlada Kenya oo laga dalbaday bilowga diiwaan gelinta qaxootiga Soomaaliyeed.
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday inay dib u bilowday diiwaan gelinta qaxootiga ...
_67788422_018096031_ap Weeraro ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Niger iyo dad badan oo dhintay.
- May 24, 2013
Weeraro ismiidaamin ah ayaa waxay ka dhaceen xerooyin ciidamada meletariga ay leeyihiin oo ku ...
13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...
images Miino lagu arkay buundo ku taala Muqdisho iyo waddooyin la xeray
- May 23, 2013
Miino lagu arkay Buundada Xamar jajab iyo ciidamo Booliis ah oo isku gadaamay,xirayna wadada ...