Friday, April 18th, 2014

Jaamacada Carabta oo isku raacday in la gargaaro dadka falastiiniyiinta.

Wasiirada arimaha dibada Jaamacada Carabta ayaa isku raacay in malaayiin doolar loogu deeqo dadka Falastiiniyiinta ee maalmahaanba la kulmay dhibaatooyin kala duwan ee ay u geysanaysay dowlada Israa’il.

Wasiirada ayaa sheegay in boqolaal kun oo doolar loogu deeqay falastiin.

Falastiin ayaa Dhamaadkii Novembar waxaa si rasmi ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ku dhawaaqay inay qeyb ka tahay xubinada korjoogtada kulmada ay yeelanayaan Qaramada Midoobay.

Dowlada Yahuuda Israa’il ayaa dhawaan sheegtay inay deymo badan ay ku leeyihiin shirdaha dalkeeda falastiin.

Saeb Erekat, oo ah madaxa ururka ka dhisan dalkaasi oo loosoo gaabiyo “PLO” qeybna ka ah dalad ay ku midan yihiin kooxo ka dhisan dalkaasi ayaa sheegay in lacagtaasi loogu deeqay falastiin ay yareyn doonto xaalada ka taagan dalkaasi.

Wasiirada arimaha dibada ee Jaamacada Carabta ayaa kulan ay isugu raaceen in taageero Falastiin waxan ku yeesheen magaalada Doha ee dalka Qatar.

Sidoo kale Saeb Erekat,ayaa sheegay in la isku raacay in bilkastaa la siindoono Falastiin lacag dhan 100 Milyan oo doolar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>