Dowlada Filipiin iyo QM oo dalbaday in gargaar lagu caawiyo dadkii ku waxyeeloobay duufaantii dalkaasi.

Inta Akhrisatay :3939

Dowlada Dalka Philippine iyo Qaramada Midoobay ayaa waxay dalbadeen wax ka qabashada dadkii ku waxyeeloobay duufaantii Bopha ee dhawaan ku dhifatay Koofurta Dalka Philippine iyo kumaanka dad ee wali lagu la yahay dhulka ku yaala xeebaha dalkaasi ee Koofurta ee Philippine.

Tirada dadka ku dhintay duufaantaasi ayaa gaartay 650 waxaana sidaasi sheegay madaxa arimaha masiibooyinka dalkaasi,isagoo xusay malaayiin reer Philippine ah ay haysato guryo la’aan.

Sidoo kale masuulkaan ayaa sheegay in dadkaasi aysan heysay waxyaabaha aasaasiga u ah nolasha oo ay ka mid yihiin raashiinka iyo biyo nadiif ah.

Benito Ramos ,ayaa isaga oo ku sugan magaalada Manila ee dalkaasi Philippine sheegay in 647 ruux meydkooda la helay ,halka 900 oo ruux walli la yahay,waxaana la la waayay ku jiro kaluumaysato ku sugnaa xeebaha Mindanao.

Qoysaska kaluumaysatada iyo warshadihii ay la shaqeynayeen ayaa sheegay inay waayeen meel ay kala xiriiraan ku dhawaad 300 kaluumaysato ah kuwaasi oo ku sugnaa xeebaha koofurta  Philipine.

Ramos ayaa ugu baaqay hayadaha caalamiga ah iyo dowladaha kale inay ka gacan siiyaan samata bixinta dadka ku maqan xeebaha koofureed ee dalkaasi Philipine.

“Hadda waxaan helnay kaalmo yar oo ay sameeyeen ururo kooban oo ka dhisan dowlada iyo gargaarka dowlada,laakiin deeqaheena walli ma ahan kuwo kaafin kara waqti xaadir” ayuu yiri Madaxa guud ee masiibooyinka dalkaasi.

Sidoo kale Ramos ayaa sheegay in kooxaha kaluumaysatada ah kasoo dhaqaaqeen xeebaha dhanka koofureed ayna kusoo dhawaayeen gobolka Sarangani ka hor inta aysan duufaanta Bopha ku dhifan xeebaha Mindanao Talaadadii lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay madaxda dalalka deriska la ah Philipine inay wax u qabtaan dadka ku dhaqan gobolada Koofureed ee dalkaasi oo dhawaan duufaano xoogan ay ka dhaceen.


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

sasas “Mooshin keene iyo miino aase, waa iskugu keen mid”+ Daawo sawirada
- May 21, 2013
Banaanbaxayaal watay boorar ay ku qornaayeen erayo ay kamid yihiin “Mooshin keene iyo miino ...
images Halista Dagaal dhexmari kara Axmed Godane iyo saraakiisha kale ee Alshabaab
- May 21, 2013
Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii tolaayay khilaafka xoogan ee ka dhaxeeya ...
Heli Muqdisho:-Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay isaga oo kusugnaa hooygiisa agtiisa
- May 21, 2013
Wararka naga soo gaaraya degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ...
raaskambooni DHAGAYSO:-Maxay ahaayeen ciidamada booliska ee Kismaayo kusoo kordhay
- May 21, 2013
Tan iyo maalintii shalay shacabka magaalada Kismaayo waxay la yaab ku noqotay markii ay ...
faroole Faroole “Dowlada waxaan leeyahay haddii maamulada aad soo dhaweynweysaan idinkaa cirka roob ku og”+DHAGAYSO
- May 21, 2013
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay arimaha maamulada kusoo kordhaya gobolada dalka ...
images Maxay tahay sababta xildhibaanadii keenay mooshinka ka dhanka R/Saacid ay dib ugu laabtaan+DHAGAYSO
- May 21, 2013
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay ...
images DHAGAYSO: Alshabaab oo guulo ka sheegaya seddex dagaal oo meelo kala duwan kadhacay
- May 21, 2013
Afhayeenka Alshabaab ee dhanka dagaalka Sheikh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa waxa uu ka ...