Monday, April 21st, 2014

Xalay Afar saac ayaan kusoo gaaray xeebta liido “warbixin kooban”

Sheeko kooban oo na dhexmaray aniga iyo Wiil xalay badda Liido kusoo daahay

Waa arin muhiim ah haddana su’aalo ay barbar socdaan,magaalada Muqdisho waxay umuuqataa mid kusii socota ,laakiin falal yaryar ay iska dhacaan.

Muhiimada waxay tahay amaanka isbedelka ka muuqda,iyo sida dadka ay u wada damaashadayaan,waxaana arinta farxada leh ay tahay sida wax ay isku badaleen.

Xeebta Liido markii aad tagto,waxaa durba aad dareemaysaa neecowda qabow ee xeebta,dadweyne wada qoslaya ,kuwo isla socda iyo kuwa aan isla socon intaba.

Liido isbedelka ugu weyn ee ka taagan ayaa ah in xiliga habeenkii lagu soo gaari karo ,sida uu sheegay wiilkaan dhalinyarada ah ee ka gaabsaday magaciisa.

“Xalay Liido ayaan joogay,ilaa afar saac ayaan kusoo gaaray ,dadka iga daran waxay i dhaheen aniga lix saac ayaan kusoo gaarayaa ,aniga waanba la yaabay,waxaa iiga sii daran waqtigaa magaalada dadka wey dhex socdeen,ciidamo ayaa i baaray oo kaliya IC Card i weydiiyay,kadiba gaarigayga baaray” ayuu ii sheegay wiilkaan.

“Waxaa iiga sii daran Maxamadow, baarka ku yaala Liido ayaan fariistay hal saac ,ilaa iyo Afar saac xitaa wax shaax ii keeno ayaan waayay,sababtoo dad badan ayaa joogay meesha,walaahi waxbaa iska badalay Liido,waxaa kaloo la yaab leh markaad tagto Liido kun qof oo aad taqaan ayaa ku salaamaya,Mashaa allah” ayuu ii sii raaciyay.

Waxaan isku dayo doonaa Inshaa allah inaan sawiro habeenkii ah kasoo qaadno Xeebka Wadankeena ee Liido,.

2 Responses to Xalay Afar saac ayaan kusoo gaaray xeebta liido “warbixin kooban”

  1. ahmed qeys says:

    mashaalah viiiVa wadankeyga hoyo ilove somalaia umac my wadankeyga ani hada waxan jogaa narobi isliiii wadan adna lahena wa dareen ku jog walahi hada wala cabsanayaa maxa yele hamen hore aya xafa islii qarax ka dhacay ilahoow na aman so

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>