Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Gobolka ee magaalada Muqdisho, wexeyna kaga wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa Xaaladaha amaanka iyo deegaanka ee magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa maanta Shir gudoominayay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa Goob joog ka ahaa Kulankaasi oo looga hadlay sidii maamulka Gobolka iyo Booliska ay u xoojin lahaayeen amaanka Magaalada Muqdisho.
Daawo Sawirro.
Xafiiska Wararka MuqdishoNews.com
Muqdisho-Soomaaliya
Wararka@hotmail.com
Gudomiye tarsanow mar hadi wali dadna la dilayo la dhacayo garanmaayo waxaad qabateen isku daya fadlan inaad yaraysaan ma ba ku fillidine