Thursday, April 24th, 2014

Howlgalo ka socda magaalada Baydhaba iyo dad lagu dilay

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka waxay baaritaano ay ka wadaan magaalada Baydhab ee Gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in baaritaanada ay ka socdaan xaafada Ishaba Baydhaba iyo kuwo kale halkaasi oo la shegay in lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dil ka dhashay halkaasi.

Ma jiro wax faahfaahin oo ku aadan howlgalka saaka ka socda magaalada Baydhaba,iyadoo aysan jirin wax sarkaalka ah oo saxaafada la hadlay.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii habeenimadii xalay qof shacab ah lagu dilay bartamaha magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay.

Howlgalka ayaa waxaa qeyb ah baaritaano kale oo ka socda xaafadaha oo dhan oo amaanka lagu xaqiinayo sida Muqdishonews.com ay u sheegeen dadka deegaanka .

Waxii kusoo kordhaa waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>