Thursday, April 17th, 2014

Faahfaahin ka soo baxayso qaraxii ka dhacay xaafada islii Nairobi

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan masjidka Alhidaaya ee xaafada Islii.

Ma jiro cid sheegatay masuuliyada qaraxa ka dhacay masjidka kaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac,waxaase dadka ay la yaaban yihiin waxyaabaha keenaya weerarka qaraxa.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka kamakunji ee Yuusuf Xaaji Cabdi ayaa ku dhaawacmay qaraxa waxaana la sheegayaa inay waxyeelo ka gaartay lugaha iyo gacanta midig.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in dadkii ku dhaawacmey qaraxaasi lagu baxnaaninayo isbitaalo ku yaala magaaalada Nairobi,halka xildhibaanka deegaanka Kamkujinji la geeyay isbitaalka qaranka.

Xaalada ayaa degen iyadoo ay socdaan baaritaano ay sameynayaan ciidamada dalkaasi kenya waxaana la sheegayaa in ay qabqabteen dhalinyaro badan oo ku sugnaa xaafada Islii.

La soco waxi kusoo kordha Insha Allah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>