Wednesday, April 23rd, 2014

DHAGEYSO Sida Ay Tahay Xaalada Caafimaad ee Xildhibaan Yusuf Xasan

Wararka Warbaahinta Muqdishonews.com ay ka helayso xaalada caafimaad ee xildhibaanka Degmada kama kunji Yuusuf Xasan Cabdi ayaa sheegaya in xildhibaanku uu ka jabay labada lugood sidoo kalana uu dhaawac ka soo gaary gacanta bidix.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa hadda xaaladiisa lagu dabiibayaa isbitaalka lagu magacaabo Aga-Khan ee ku yaal magaalada Nairobi

Maxamed Ismaaciil Shiino oo ah ninka u qaabilsan arrimaha Xaafada islii Yusuf Xasan ayaa inoo xaqiijiyay in Qaraxii Caawa ay ku dhinteen labo Caruur ah oo ku sugnaa banaanka Masjidka Al-Hidaaye, waxana ku dhaawacmay dad ku dhaw 20 ruux.

Ugu Danbeyn Xaalada Xildhibaanka ayaa hada ah mid soo hagaagayso iyadoona saacadaha soo socda la filayo in xildhibaanka uu lahadlo Warbaahinta Dalka.

Halkaan Hoose ka dhageyso Xaalada Yuusuf  Xasan

Shabaab
W/Q: Cabdi Shakuur farax Cigale( Washiton)
Xafiiska Wararka MuqdishoNews.com
Nairobi-Kenya
Wararka@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>