Thursday, April 24th, 2014

Ciidamo Soomaali ah oo kusoo tababartay Kenya oosoo gaaray Gedo

Sida aan ku helayno wararka ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo tababar kusoo qaatay dalka Kenya ayaa soo gaaray gobolka Gedo ee koofur galbeed Soomaaliya.

Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub badan ayaa lasheegaya inay ku sugan yihiin deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolkaasi Gedo.

Saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamadaan ay sugayaan ciidamo kale oo tababar ugu soo idlaanayo dalkaasi Kenya.

Ciidamada ayaa tiradooda la cadeyn,waxaana la sheegay inay ku sugan yihiin Deegaanada Buusaar iyo ceel cade.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay arintaani ka hadlaan ,inkastoo saraakiisha qaar ay sheegeen in ciidamadani ay weerar ku qaadayaan Alshabaab ka ku sugan gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>