Saturday, April 19th, 2014

Alshabaab 25 gaaraya oo lagu qabtay magaalada Beledweyne

Ciidamada DOwlada Soomaaliya ayaa waxay dhalinyaro badan oo ka tirsan Alshabaab ay ku qabqabteen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wararka aan ka helayno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah ay soo qabteen dhalinyaradaasi kuwaasi oo laga shakiyay.

Sidoo kale ku dhawaad 50 ruux oo ay  ku jiraan 25 Alshabaab ah ayaa ladhigay saldhiga magaalada Beledweyne waxaana la sheegay in lala kala saarayo dadkaan la xeray.

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in dhalinyarada la xeray qaarkood ay yihiin Alshabaab kuwaasi oo falal amni daro ah la geysanayay magaalada,sida ay hadalka u dhigeen.

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maalmahaan waxaa ka socday baaritaano ay sameynayaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxii ka dambeeyay markii dilal ay ka dhaceen magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>