Qodobo loo sababeeyay amni darada ka taagan Shabeelaha Hoose

Inta Akhrisatay :4004

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay sababaha ugu waaaweyn ee amnidarada ku dhalisay Gobalka Shabeelaha Hoose iyo in Dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban weeyday amndirada ka jirta Gobalkaasi.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed ayaa sheegay in qodobka koowaad uu yahay in Gobalkaasi aysan ku sugneen ciidamo Booliis ah iyo sidoo kale Nabadsugid oo wax ka qabta ammaanka Gobalkaasi.

Qodobka 2aad ayuu ku sheegay Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ammaandarida ka jirta Gobalkaasi in ciidamo badan oo Dowladda ka tirsan aysan joogin Gobalkaasi si meesha looga saaro awooda Shabaab oo uu sheegay in maalmahan dambe ay noqdeen kuwa sii xoogeeysanaya.

Roobab ka da’ay Gobalka Shabeelaha Hoose oo  xirya wadooyin badan oo ku yaalay Gobalkaasi ayuu ku tilmaamay in ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay ka gudbiyeen si meesha looga saaro Shabaabka ku sugna Deeganada Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobalka Shabelaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in Shabaab iminka ay bilaabeen qal qalgelinta dhanka ammank ee Gobalka Shabeelaha Hoose iyo inay weeraro ku qaadaan wafuuda ka tirsan Dowladda Soomaaliya ee isticmaalaya Gobalkaasi.

Al-Shabaab ayaa dhawaanahan bilaabay weerarada ay ku qalqalgelinayaan ammaanka wasiirada socdaalka ku tagaya Gobalka Shabeelaha Hoose.

Xasan Xayi


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

boko-haram DHAGAYSO:Qeybta labaad ee aasaaskii ururka Boko Haram
- May 19, 2013
Aqristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Taariiqda dhameystiran ee ururka ...
ciidamo-al-shabaab DHAGAYSO:C/Risaaq Caweer Cumar oo beeninaya hadal ay sheegeen Alshabaab
- May 19, 2013
Gudoomiyaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay sheegashada Alshabaab ee ku aadan ...
barlamaan DHAGAYSO:Mooshinkii ka dhanka ahaa Saacid oo lagu tilmaamay awooda baarlamaan
- May 19, 2013
Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan mooshinkii ay dhawaan gudbiyeen ...
index DHAGAYSO: Wafdigii ka socday IGAD waxii ay kala kulmeen Kismaayo
- May 19, 2013
Maalintii shalay waxaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose gaaray wafdi ka socda urur ...
Oaksioa Haweenay Siyaasi ahayd oo la dilay+ Faahfaahin qaabka dilka uu u dhacay
- May 19, 2013
Xubin sare oo ka tirsaned xisbiga siyaasada ee uu hogaamiyo Imran Khan ayaa geeriyootay ...
boko-haram Dhagayso:Qeybta koowaad Taariiqa Aasaska kooxda Boko Haram
- May 18, 2013
Aqristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Taariiqda dhameystiran ee ururka ...
2013222213459142621_8 Dowlada Kenya oo fariin ku aadan ka qeyb qaadashada dagaalka shabaab u dirtay Nigeria.
- May 18, 2013
Madaxweynaha cusub ee bishii April ee sanadkaan 2013 shacabka Kenya door bideen inuu daadihiyo ...