Friday, April 25th, 2014

Ciidamadi u jiheystay Jowhar oo dib usoo laabtay iyo jawiga magaalada

Waxaa dib usoo laabtay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaasi oo maanta dhaqdhaqaaq ciidan ka sameeyay duleedka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Ciidamadaasi ayaa dib ugu soo laabtay goobahii ay ka dhaqaaqeen ee deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasi oo markii hore ay ka dhaqaaqeen.

Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa Muqdishonews.com u sheegay in ciidamada dowlada ay dib usoo laabteen sabab la xiriirta iyaga oo aan amar u qabin inay horay usii dhaqaaqaan.

Dagaal kooban ayaa ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab ku dhexmaray deegaanka Congo halkaasi oo Shan kiilomitir u jirta magaalada Jowhar.

Xaalada magaalada Jowhar ayaa galabta si wanaagsan kusoo laabatay markii kala carar ay galeen shacabka magaalada markii ay ka warheleen dagaalada ka dhacay duleedka Koofur ee magaalada Jowhar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>