Waxaa maanta dib dalka ugu soo laabtay wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/laahi Cilmooge kaasi oo dalka Turkiga kaga soo qeyb galay kulan looga hadlayay arimo dhowr ah.
Wasiirka oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in kulankii uu ka qeyb galay arimaha looga hadlay inay ka mid ahaayeen taageerada Soomaaliya la siinayo iyo arimaha dalalka Syrio iyo Phalastine.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya loo balan qaaday garab istaagida dhanka amaanka iyo sidii tababar loo siin lahaa ciidamada dowlada Soomaaliya.
Waxaa kale oo looga hadlay dagaalada walli ka socda dalka Syria isagoo sheegay in la wada garay go’aan ah waxka qabashada dalkaasi.