ONLF oo beenisay in ay Hishiis la gashay Al-Shabaab

Inta Akhrisatay :7436

Sarkaal  sare oo katirsan jabhada ONLF ayaa beeniyay warar sheegaya in uu jiro heshiis dhexmaray jabhada ONLF iyo ururka Al-shabaab, oo dhowaan ay daabeceen qaar kamid ah Website-yada Soomaalida.

Sarkaalkan oo lasoo xiriiray Muqdishonews.com ayaa xaqiijiyay in uusan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray ONLF  iyo Al-Shabaab isaga oo intaas kudaray in arintaasi tahay wax lalayaabo.

Masuulkan oo kacudur daartay in magaciisa la shaaciyo ayaa yiri hadii aan Al-Shabaab heshiis lagalayno taasi waxa ay dhici lahayd wakhtigii ay awoodda lahaayeen islamarkaana ay gacanta kuhayeen inta badan koonfurta wadanka Soomaliya.

Jabhada ONLF ayaa  warbixinada iyo qoraalada ay daabaceen qaarkamida warbaahinta somaliya ku macaneysay in ay kadanbeeyan siyaasiyiin Soomaliyed inkasta oo ayna jirin cid ama shaqsi gaara oo ay Magac-dhabeen.

Sarkaalkan lasoo xidhiidhay Muqdishonews waxa uu camabaareeyay  warbixinada caynakana isaga oo saxaafada Soomaaliyana ka dalbaday inay u fiirsadaan warbixinada xaasaasiga ah ee noocaan oo kale ah, waxaana uu isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “Waxaan u aragnaa inay arintani gaf nagu tahay laguna soo duulay  qadiyada aan unasab sheegano, anagu waxaan dagaal kula jirnaa Ethiopia oo ah cadawga somaliyeed”.

Gabagabadii ayuu sarkaal kani warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha kacodsaday in aysan garab siinin dawlada  Ethiopia oo ah mid u taagan burburinta danaha umada soomaaliyeed meelwalba oo ay  joogaan sida uu yiri.

Xafiiska Wararka MuqdishoNews.com
Nairobi-Kenya
Wararka@hotmail.com

 


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. mahamed dhagaxbuur says:

    warniyow wax ethiopia layidhaahdo dagaalkulama jirtida iskadaa beenta




Wararkii U Danbeeyay

baydhaba Qarax ka dhacay magaalada Baydhaba ee gobolka Hiiraan
- May 25, 2013
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay qarax khasaaro geestay ...
_67810380_pak_bus Caruur ku dhimatay dab haleelay gaari ay la socdeen.
- May 25, 2013
Caruurta waxay ahaayeen kuwo todobaadkiiba mar lagu soo qaado gaadiidka iskuulka ay ku tagi ...
13751 Jawiga Xaafada B uulo Xuubeey oo ka duwan subaxyadii hore
- May 25, 2013
Dadka xaafada Buulo xuubeey ee Degmada Wadajir ayaa saaka kusoo toosay iyadoo wado waliba ...
Madobe_soldier_slide Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} oo eedeyn u jeediyay DF Soomaaliya
- May 25, 2013
Madaxweynaha maamulka Jubbaland sheegtay inuu yahay Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe", ayaa waxa uu ...
asw DHAGAYSO:-Madaxda IGAD oo ku dhawaaqay Dowlada hadal ay ku faraxdo
- May 25, 2013
Waxaa kulan gaar ah oo looga hadlayay xaalada gobolada Jubbooyinka uu xalay ka dhacay ...
jabuti1 DHAGAYSO:- Mucaraadka Jabuuti oo dhaliilay dowlada Ismacil Cumar Geele.
- May 25, 2013
Mid kamid ah xisbi mucaaradka ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa waxay ka hadleen ...
index DHAGAYSO:- Siidii “Baraawe iyo deegaanada kale ayaan weerar ku nahay”
- May 25, 2013
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay howlgaladii ugu ...