Kulanka waxaa shir gudoominayey Ra’iisalwasaaraha Somalia Dr Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxana looga hadlay labo qodob oo kala ahaa.
kulanka markuu dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay wasiirka qeyraadka dalka C/risaaq Maxamed Cumar waxaana uu sheegay in arimaha laga wada hadlay ay ka mid yihiin.
-In dib loo soo celiyo xoolihii laga dhoofin jiray Dekada magaalada Muqdisho
-In la mamnuucay dareeska ciidamada dawlada iyo qalabka ciidamada qofkii la arkana isagoo iibinaya tallaabo adag dawlada ay ku hanjabtay inay ka qaadi doonto.
Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Dalka C/risaaq Maxamed maxamed ayaa saxaafada uga warbixiyey kulankii maanta iyo waxyaabaha looga hadlay isagoo wariyeyaasha la hadlay kadib kulanka markii uu dhamaaday.