KHABIIRKA DHIGAYA COWS-KA ARTIFISHALKA STADIUM BANAADIR OO MUQDISHO YIMID?

Inta Akhrisatay :11414

Khabiir ka socda shirkada dhismaha garoomada kubada cagta ee dagan dalka Holland Greenfield ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu u gogolo cowska garoonka oo uu ku socdo dhisme lagu maal gelinayo mashruuca FIFA ee {WIN IN AFRICA WITH AFRICA} kaasoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii ugu dambeeyay Africa eeka faa’iideysanaya sida uu sheegay xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Khabiirkan dhinaca farsamada Goglista Cows-ka ah ee lagu magacaabo Lex Vander iyo madax ka socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ay hogaaminayeen xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin guddiga fulinta ahna madaxa tartamada Cali Cabdi Maxamed (Shiine) ayaa maamuusay bilaabida howsha dhigista cows-ka munaasabad ka dhacday garoonka gudihiisa maanta.

Mr. Lex vander ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho Jimcihii lsoo dhaafay waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cade kusoo dhaseeyay xoghayaha Guud Cabdi Qani iyo madaxa tartamada Cali Shiine.

“Maanta halkan ayaan joognaa si aan u hubiyo aas aaska iyo shaqada dhismaha ee horay usii socotay kaddibna waxaan bilaabi doonaa howsha dhigista cows-ka—sida iiqu qoran jadwalka ay FIFA isoo siisayna waxaan ku rajo weynahay in dhigista cowska aan soo dhameeyo 20-ka bisha December”ayuu yiri khabiirka oo horay ugusoo guuleystay cows dhigista garoomo badan oo ku yaala Africa.

Madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, masuuliyiinta Shirkada EMECO ee la siiyay qandaraaska local-ka ah iyo khabiirka ayaa yeeshay kulan saacado qaatay oo looga hadlayay arrintan sidii loogusoo gabagabeyn lahaa mudadii loo qorsheeyay, iyadoo madaxda xiriirku ay sheegeen in ay waajib tahay howsha in waqtiga loogu tala galay ay kusoo dhamaato.

“Shaqada dhismaha waa in lagusoo gabagabeeyo mudada todobaadyada ah ee khabiirku sheegay—ma aqbali kareyno in shaqadu ka dib dhacdo mudada hada u qorsheysan—FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxay doonayaan in ay helaan garoonka oo cowsku saaran yahay bishan 20-keeda”ayuu yiri xoghayaha guud oo kulankaa ka hadlay.

Xoghayaha guud waxaaa uu intaa ku daray in marka khabiirku soo dhameeyo cows dhigista kaddib ay shirkada EMECO bilaabi doonto dhismaha qeybihiisa kale sida VIP-da, dhismaha weyn ee ciyaartoyda qaranku ay ku xaroon doonaan, Baar garoonku yeelan doono iyo qeybaha kale ee dhismaha wareega ka harsan”ayuu yiri xoghayuhu.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay in qeybta VIP-da ay ka koobnaan doonto laba qeybood oo kala ah qeyb ay madaxda sare ee dalku fariisan doonaan sida madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, guddoomiyaha xiriirka iyo hadii ay mustaqbalka dalka yimaadaan maddax ka socota FIFA ama CAF, halka qeybta kalana ay fariisan doonaan masuuliyiinta kale ee dowalda iyo kuwa xiriirka.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu aad usoo dhaweynayaa talaabada FIFA ku horumarineyso kubada cagta Soomaaliya, FIFA waxay mar kasta garab taagneed Soomaaliya oo ah dal dagaalo si ba’an u halakeeyeen—FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku taamayeen in mar uun ay arkaan horyaalka Soomaaliya oo lagu qabanayo garoon Stander caalami ah leh waana dheceysa taansi mar dhow insha Allah”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha guud Mr.Cabdi Qani Saciid Carab maanta.

Waxaa uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad ugu rajo weynyahay in cayaaraha caalamiga ah uu ku marti geliyo dalka gudihiisa laga bilaabo sanadka dambe waxaase taasi ay imaaneysaa hadii xaalada amaan ee dcalka soomaaliya ay hagaagto.

“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu balan qaadayaa in shirkada EMECO iyo khabiirkanba uu la garab istaago wax kasta oo caawimaad ah si uu ugu fudueeyo in ay howsha ugu gutaan si wanaagsan uguna dhameeyaan waqtiga loo qorsheeyay ”ayuu xoghayaha guud ku yiri war saxaafadeedkiisa.

Sababo la xariira dagaalo ka dhacayay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxaa hakaday dhismihii garoonkan dabayaaqadii sanadkii 2009-kii kaddib markii mintidiinta Soomaaliya ka dagaalnata ya la wareegeen garoonka islamarkaana qaateen dhamaan qalabklii dhismaha ee yaalay.

Howsha dhismaha xiligaas 50% ayaa la dhameystiray laakin wax kasta kaddib waxay noqdeen in meel Eber ah lagasoo bilaabo.

Shaafici Muxuyadiin Abuukar

Email:shaficiislow@yahoo.com


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

Somalia Sacuudiga: Soomaaliya oo ka badisay Nigeria
- May 24, 2013
Soomaalida waxay ku qeybyihiin Nigeria oo ay xalay la cayaareen, Cameroon iyo Chad oo ...
images Kenya oo looga digay taageerada maamulka Jubbaland.
- May 24, 2013
Dowlada Kenya ayaa waxaa la weydiiyay inay dib kaga fakarto taageerada ay siinayso maamulka ...
asasd Siyaasiga Xasan Maxamed Cismaan [Xasan Xaaji] oo Ku Dhawaaqay inuuu Yahay “Madaxweynaha” Jubbaland?
- May 24, 2013
Iyadoo maalinba maalinta kadambeysa ay sii kordhayaan tirada siyaasiyiinta ku dhawaaqaya inay yihiin madaxweynaha Maamulka ...
asada Dowlada Kenya oo laga dalbaday bilowga diiwaan gelinta qaxootiga Soomaaliyeed.
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday inay dib u bilowday diiwaan gelinta qaxootiga ...
_67788422_018096031_ap Weeraro ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Niger iyo dad badan oo dhintay.
- May 24, 2013
Weeraro ismiidaamin ah ayaa waxay ka dhaceen xerooyin ciidamada meletariga ay leeyihiin oo ku ...
13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...