Nabar ku yiilay dadweynaha oo dhinac laga daweeyay “Warbixin Kooban”

Inta Akhrisatay :8463

Magaalada Muqdisho waxaa muddo dadku ay ka cabanayean lacago farabadan oo ay gadiidleydu dadku ka qadaan, taa oo aheyd mid marwaliba shacabku wadna qabad ku aheyd oo ay siweyn u hadal hayeen.

Marwaliba lacagahaasi waxaa ay ahaayeen kuwo shaar loo galiyo oo wadayaasha gaadiidka ay Shegaan lacago isbaarooyin ah oo lacaga qaado iyo Shidaalka oo qaali ah Inkastoo ay dhici karta inay wax uun ka jiraan.

Lakiin 25-bishii Tagtay ee November waxaa hadal Siweyn ay uwada Jecleesteen Shacabka Somaliyeed uu ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud hadal uu muuqday Mid Daweynaya Nabar Bulshada Muddo ay la buktay.

Kadib Markii uu yiri “waxaan Farayaa Dhamaan Gudoomiyasha Dagmooyinka Gobolka Banaadir iyo Kuwa Gobolada dalka inay Qaadaan Isbaarooyinka yaala Goobaha ay ka taliyaan” Taasina ay hordhac u aheyd dib usoo celinta Amaanka Dalka.

Waxaa Sidoo kale Islamaalintaa Soo dhaweeyey Gudiga Iskaashatada Gadiidleyda Gobolka Banaadir kuwaa oo Sheegay in loobaahnaa arintaan Caqada Mudada ku aheyd in laga horqaado.

Maxamed Rashiid Maya Gudoomiye ku Xigeenka iskaashatada Gadidleyda Gobolka Banaadir Sidee bay arintaani ula muuqatay.

“Waa wax lagu farxo maxaa yeelay waan ka nasanaynaa dhibataadii aan qabnay”.

Wixii ka Dambeeyey Markii Madaxweynaha uu ku dhawaaqay Isbaaro qaadista waxaa dhaqan galay, inta badan hadalkii Madaxweynaha iyada oo lagu guuleystay in la waayo Isbaarooyin Muqdisho yaalay Muddo.

Lakiin Hadal heynta shacabka wixii ka dambeyey Qaadista Isbaarooyinkaasi waxa ay aheyd maxaa iska badali kara lacagihii faraha badnaa ee Mudada aan ku raacaynay Gadiidka.

Isla su’aashaasi shacabka Madaama ay Quseyso Gudiga Gadiidleyda Gobolka Banaadir Waxaan Hor dhignay Gudoomiye ku Xigeenka Iskaashatada Gadiidleyda Gobolka Banaadir Maxamed Rashiid Maye.

Shacabka raaca Gadiidka ayaa inta badan hadal heyntoodu waxa ay tahay madaama laqaaday Isbaarooyinkii yaala Mudo Muqdisho maxay tahay Sababta Nalooga Qaado lacagihii hore maxaa isbadal loo dareemi layahaya Xiligaan.

W/D/ Xasan Cabdi Axmed

Wacad888@hotmail.com

Muqdisho-Somalia


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...
images Miino lagu arkay buundo ku taala Muqdisho iyo waddooyin la xeray
- May 23, 2013
Miino lagu arkay Buundada Xamar jajab iyo ciidamo Booliis ah oo isku gadaamay,xirayna wadada ...
13715 Khaatuma oo wax dan u ah Jubbaland ka dalbatay dowlada Somaliya
- May 23, 2013
Maamulka Khaatumo State ayaa Dowladda Soomaaliya wuxuu ka dalbaday inay muujiso taageeradeeda ku aadan ...
13714 Maxaa iminka ka socda magaalada Wajeer la soco oo aqriso
- May 23, 2013
Magaalada Wajeer ee Gobalka NFD ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ...
Marka-Shabeelaha-Hoose DHAGAYSO:- “Marka wax ka jira malahan dadkii qorayna baaritaan ayaan ku wadnaa”
- May 23, 2013
Gudoomiyaha degmada Marka ee Shabeelaha Hoose Maxamed Cismaan Yarisow oo la hadlay warbaahinta ayaa ...
Baarlamaanka2 DHAGAYSO:- Xildhibaano aan ku qanacsaneyn waxii shalay dhacay
- May 23, 2013
Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay fashilkii shalay ...