Wednesday, April 23rd, 2014

Xasuuqii Xulkeena Xiriirkaa ka dambeeyay! Faallo

Ma’ahan wax ku cusub dhagaha ummadda Soomaaliyeed ee jecel Isboortiga in la maqlo waxaa intaas iyo eber ama hal looga badiyey xulka  qaranka Soomaaliya laakiin bulshadu isma weydiiso sababta iyo cidda iska leh qaladka intaas la eg ee keenaya in dhulka lagu jiido sumcadda ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba jawaabtu waxay tahay waxaa eedaas dhammaanteed iska leh kooxda isfahamsan ee aan dhicin ee  lamagac baxday xariirka kubadda cagta Soomaaliya (SFF) oo iyagu in qaranka laga badiyo iyo inay badiyaan aan kala jecleyn ee markasta awoodda saara sidii ay kursigoooda kusii joogi lahaayeen.

Maadama aaysan jirin wasaarad Isboorti ama dowlad tayo leh oo kula xisaabtanta waxyaabaha ay ku dhaqmayaan ee sharafta looga qaadayo sumcadda iyo Calanka ummadda Soomaaliyeed ayaa arinkaasi uu kusii soconayaa.

Waxyaabaha xiisaha leh ee aad layaabeyso waxaa ka mid ah qaabka qar iska tuurnimada ah ee kaaliye Macallin oo Ugaandhes ah loogu aaminay masiirka Sportiga qaranka Soomaaliya,  iyadoo uu meesha fadhiyo macallinkii Ciyaartoydiisa kasoo watay dalkii hooyo, sidoo kale waxaa kale oo layaab leh in qaar ka mid ah ciyaaryahannadii laf dhabarta u ahayd qaranka laga soo celiyey, waxaa kale oo fajiciso ku noqotay intii daawaneysay ciyaarta in aan garoonka lasoo gelinba difaac wax ku ool ah oo ilaaliya weeraryahannada xulka Burundi oo runtii la dhihi karo waa xulka ugu liita inta ka qeyb qaadaneysa tartanka.

Koley majiro qof jecel in qarankiisa laga badiyo laakiin su’aashu waxay tahay haddii Brundi 5 iyo 1 nagu garaacday maxaan ka sugnaa wiilashii madmadoobaa ee reer Sudan jawaabta waan wada garankarnaa, inkastoo kubaddu cad iyo madow tahay, hadana hadiiba Burundi oo Tacbaan ah kaa badisay waxaa marqaati ma doonto ah in Kooxaha kale ee soo socdana ay kaa guuleysan doonaan.

Haddaba ummadda waxgarata ee ku nool caalamka gaar ahaan bahdii hore ee Isboortiga Soomaaliya waxaa dhihi lahaa soo farageliya Arrinta ka jirta kubadda cagta ee dalka, haddii kale magac xun ayey kuwaani nooga bixin doonaan caalamka,  waxaan maqli jiray allow yaa Geela leh oo ciinka ka ceshada.

W/Q Maxamuud Cabdi Colaad

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>