Saturday, August 23rd, 2014

Maxaa Keena Is Qab Qabsiga Puntland?? Maqaal

Is qab qabsiga Puntland waa mid waqti ku astaysan iyadoo mudadii Puntland ay jirtay is qabsigu uu ahaa xiliga doorashada sida uu ka markhaati kacayo Madexweyne ku xigeen kii horey ee Puntland Mr gaagaab: (waxaa la joogaa xiligii wareerka marka ninkasta gurigiisa haku wareero) wuxuuna ula  jeeday “xiliga doorashada la isma fahmo cid walbaana iyadaa isla quman marka hala kala nasto”.

Waxaa markhaati  loo ahaa  C/laahi Yuusuf Axmed alle ha u naxariistee oo markii la gaaray wakhtigii doorashada koror siimo la yimid halkii laga sugayey doorasho waxay dadku xasuusan yihiin hala qabto doorasho iyo waqtigeeda lama joogo taasi oo keentay dagaalkii Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac oo salka ku hayey xil kororsi hab muquunis u muuqday , si kastaba ha ahaatee dagaalkaasi  waxa uu sababay inuu meesha uu ka baxo C/laahi Yuusuf inkastoo uu mar dambe soo rogaal celiyey C/laahi yuusuf wuxuuna siyaasad ahaan adeegsanayey qabaa’il iyo siyaasiyiin badan kuwaas oo uu taageero gaar ah ka helay. Qabiilada ugu taageerada badnaa waxaa kamid ahaa:- Beelaha Dhulbahante iyo Reer Biciid yahan oo kamid ah jifi ka tirsan Beesha Majeerteen.

Wuxuu ku jiray C/laahi dagaal isagoo adeegsanaya awood wuxuuna khasab ku muquuriyey qabaa’ilkii shafka u tumayey ee inta badan mucaaradka ku ahaa sida Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Cali Saleebaan inkastoo guusha ay ku hor martay xagii mucaaradka hasa yeeshee waxaa C/laahi u suurta gashay inuu kusoo noqdo madax tinimada Puntland. C/laahi Yuusuf wakhtigaasi kadib waxaa u hirgalay hadafkiisii ahaa inuu Puntland uga sii godbo Soomaaliya.

Puntland markaas kadib xaalad cusub ayey gashay Maxamed Cabdi Xaashi ayaa isna sanad hayey inkastoo ay ka hor yimaadeen mucaarad aan sidaa u xoog badnayn waxaa kasoo horjeestay Faroole oo markaa ahaa wasiirkii qorsheynta iyo xiriirka caalimiga iskagaana meesha ka baxay.

Sanad kadib ina Cabdi Xaashi waxaa kala wareegay xilka doorasho kadib Jeneral Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde), jenanku inkastoo isku dayey inuu xilka kororsado uma aysan suurta galin waxaana ka diiday wakhtiga iyo waayaha kuna khasbay inuu qabto doorasho.

General Cadde oo jeclaa nabadda siyaasadiisuna ay ahayd mid qabow qosol iyo shactiro wadatay waxaana Puntland looga yaqaanay (Ajex), hasa yeeshee waxaa khasbay mucaarad ama musharixiin xiligaasi u tar tamayey jagada madaxtinimo, Maamul xumo iyo musuq  baahsan ayaana hareeyey xafiisyada dowladda taasna way gayeysiin waysay in Cadde uu ku dhiirado xil kororsi oo golaha wasiirada horyaaley.

Intaa kadib waxaa la doortay mid kamid ah mucaaradkii is bedel doonka ahaa kana faa’iidaystay dal duleeladii Cadde Muuse. Dr.C/raxman Sh.Maxaed Faroole oo markii ugu horaysaba daboolay labo kamid ah saddexdii qodob ee uu Cadde ku dhiiran waayey xil kororsiga midi waa maamul xumo oo ay ugu wayneyd wasiiradiisii oo ku biiray mucaaradka.

Faroolase wuxuu u sheegay golaha in ay isaga shaqaalo u yihiin marna uu san ogolaanayn in ay is bar bar yaacaan, taasna waxay fududaysay inuu meesha atoore ka ahaado Madaxweyne Faroole. Tan kale musuqa xafiisyada dowladda ka jiray oo uu la dagaalamay kuna khasbay inay lacagta hal meel ku dhacdo hal meelna laga xukumo baddalka taasna mushaharaad bixiyo si uusan u imaan musuq maasuq oo dilooday dowladdii ka horaysay.

Runtii waa labo qodob oo muhiim ah dadka buun buuniya wax qabadka Faroole intaa ayey ku cel celiyaan,balse qodabkii saddexaad ee Cadde ka hor yimid inuu ka hadlo dib u dhegista doorasho waa tan mucaaradka inkastoo Faroole uu isku dayayey inuu ku qariyo wax qabadkiisa qodabkan balse way ku adkaan doontaa mar hore ayey ahayd in uu ka gaashanto. Sababt oo ah Madaxweyne  C/raxmaan Faroole wuxuu kas baday siyaasiyiinta kala duwan mucaaraddo qaarkood, waxaana taa sababtay markii uu Ina Cali Ciid ciidda cunsiiyey oo ahaa ninka kaliya ay isugu dhawaayeen Garaad C/laahi Cali Ciid wuxuu ahaa shakhsiyaadka guul wadayaasha Faroole aad uga ag dhawaa hadana la isma maqashiin karo sidaas iyo sika daran ayey uga firxanayeen oo malaheen awood siyaasadeed uu dadka ku kasbado. Sidoo kale waxaa caqabadku noqon doonta dad wax la weydiin jiray ayuu san wax weydiin soomaalidu waxay ku maah maahdaa (Nin aan talin jirin haduu taliyo ninaan tagi jirin ayaa taga) maah maahdaan laftirkeeda waxaa isticmaalay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka hadlay ciidii soonfur barxadda Garoowe Faroolena waa uu fadhiyey Islaanku wuxuu yiri isagoo dadka niyadda u qaboojinaya (Nin aan wax xukumi jirin haduu wax xukumo nin aan tagi jirin ayaa taga, nin aan wax qaybin jirin haduu wax qaybiyada nin wax qaybin jiray ayaa taga)………………..

Faroole inkastoo uu isku dayey qodobkan inuu wax ka qabto balse waa uu kordhiyey mucaaradada masalan sanad ka hor taageerada uu haystay hoose ayey u dhacday 50%, si kastaba ha ahaate talaabooyinka uu isku dayayo Faroole:- Qaaciddo waxaa jirto ah “qaybiyoo xukun” hadii aad fahan san tihiin mucaaradka ugu muhiimsan waa kan laamiga saaran marka  Puntland la eegayo,hada isku qiima noqon maayaan isku sina looma wajihidoono  Ufayn, Casayr, Badhan oo laamiga ka baxsan iyo Carmo, Qardho,iyo Gaalkacyo  oo laamiga saaran waa kala xoog badan tahay mucaaradada waana juqaarifi ahaan, taasi waa mid oo miisaanka mucaaradka Faroole maha Casayr mana aha Isku shuban, Garacad iyo Jariiban oo dhamaan laamiga ka baxsan waxaa ugu muhiimsan Boosaaso oo dhaqaalaha kasoo baxayo, Qardho oo ah meesha Garowe wax u maraan iyo Gaalkacyo oo isku xirta koonfurta soomaaliya iyo Puntland.

Magaalada muhiimadeeda waxaa sii carinaya dadka daga hadii ay noqdaan dad xoogoodo muuqdo magaalada muhiimadeedu way kasii kordhaysaa oo dadka dagaa saamayn bay ku leedahay, hadii ay noqdaan kuwa carabka laalaadsha iyana waa lagu tumanayaa muhiimada magaaladuna wey ka baxaysaa meesha waana  lagala wareegayaa.

Dadka iyo magaalada hadii ay mucaarad noqdaan strategy-ga magaaladu hadii ay kaa hiiliso iyo dadka oo dhabarka kuu jeedaya waa laba hawl oo adag sidii aad uga baxdaana ay adag tahay, ma talan Al-Qaacida waxay galeen buuro waa weyn oo aan gaadiidku gaarayn iyo qarar marka caalamkii waa ku adkaatay inay si dhakhsi leh kaga takhalusaan, C/raxmaan Faroolena Qardho haddii ay mucaaradka u soo raacdo oo ah magaalo kala bar ku taal hadana ah waa meesha gaadiidka, lacagta, iyo sahaydubu ay u marayeen waa wax aad u adag haduusan dhexdooda kala jabin ka adkaantooduna ay fududaan. Si uu uga booda jarkaas wuxuu sameeyey Faroole:- Qardho waxay is fiirsi ka dhaxaysaa Carmo, Carmana Qardho waaka sii muhiimsan tahay oo Garoowe  sida Qardho ay mariin ugu tahay ayey Qardhana Carmo mariin ugu tahay, sidaas awgeed ayuu faroole uga faa’iidaystay oo wuxuu isticmaalay oraahdii ahayd (Cadowkaaga cadowkiisa waa saaxiibka) Carmo iyo Qardho waa isu deegaan marka la eego juquraafi ahaan oo waa tii waligood colaadu ay ka dhaxaysay waxaa la xasuusta dilkii C/rashiid Cali Sharmaarke allaha ha u naxariistee madexweynihii hore ee Soomaaliya (1967-1969) oo ahaa reer Qardhood waxaana dilay sida la sheegay wiil reer Qandalo ahaa ileen markaa Carmo ma aysan jirin.

Wuxuuna soo dhawaystay Faroole Beesha Carmo (Cali Saleebaan) si uu ugu duqeeyo Beesha Qardho (Cismaan Maxamuud), waxaana fursadahaas ka sokow uu Faroole soo dhawaystay mid kamid ah ilmo Faroole oo maamulka awood ku leh waxaana abti u ah Cali Saleebaan halkaana fursad ayaa ka jirta. C/raxmaan Faroole wuxuu wasiir ka dhigay wasiirka ugu muhiimsan marka Puntland la eego Beesha Cali Saleebaan wasiirka maaliyada Faarax Cali Dhalac, tusaale ahaan wasiirkii hore maaliyada Puntland Mr.Gaagaab iyo ku xigeenkiisii Mr.Alxaaji Bakiin labadoodaba waa niman Puntland madax kasoo ahaa weliba meel sare ka gaaray sida Gaagaab oo mar ahaa madaxweyne ku xigeen xaq buu ku leeyahay marka la eegayo nidaamka dowliga, Mr. Bakiin waa qab qablaha kaliya Boosaaso cid eegi kartaana majirto bil welibana mushahar ayuu u xaadiraa isaga iyo ilaaladiisa dadka ayuu dhuunta u galay waxaana ku dhaqaaleeya meesha Ilma Faroole sababto ah waa abti waana xulufo Faroole lana hadli karo, waxaa ka cawday dadka deeganka iyo qabiilo badan. Waxaana lagu amray in aan lala hadli karin halka Gaagaab cagta afka laga galiyey oo loo muujiyey cadaawad maha oo kaliya in laga jiray xuquuqda uu lahaa bal ka fakar sababtu maxay tahay?

Gunaanadkii waxaa fiican in caqliga laga shaqaysiiyo Puntland iyo Soomaaliya intuba waxay u baahan yihiin waa Leader (Maamule) ka dan qanaya dhibaysana dhibta dalka iyo dadkana kana fakara sidii uu u maarayn lahaa baahiyaha dalka ka Jira.

 

W/ Qoray Axmed Cabdi Gaare. 
Tell:- 0025224166248 
Email axmedyare1001@gmail.com

 

Leave a Reply