Thursday, August 21st, 2014

W/A/Dibadda Turkiga ” Soomaaliya waa Gurigeyga Labaad adinkana Turkigaa Gurigiina Labaad ah ” + DHAGEYSO

Iyadoo Shalay uu Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Booqday Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga Axmed Daa’uud Oglo ayaa waxaa uu la hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Xili kulan ay ku lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Axmed Daa’uud Oglo Wuxuu la hadlay Xildhibaanada wuxuuna sheegay in uu ku faraxsanyahay in Xildhibaanadaan ay ka yimaadeen Kulankii Istambuul Markii Odayaashii dhaqanka ee lasoo xulay ay kulan ku Yeesheen Magaalada Istambuul.

Wasiirka Wuxuu noqday Wasiirkii arimo Dibad ee Caalamka ka socda ee ka Khudbeeya Xarunta Golaha Shacabka, wuxuuna Wasiirka ku faanay in uu aad u nasiib badanyahay hadiiba uu isaga ugu horeeyo.

Axmed Daa’uud Oglo wuxuu Soomaalida u sheegay in Turkiga uu Yahay Gurigooda Labaad, Soomaaliyana ay tahay Guriga Labaad ee Turkiga.

” Waxaa uu yiri ha u maleynina inaad Kaligiin tihiin waxaad leedihiin walaalo idin garab taagan, Soomaaliya Waa Toban Milyan oo lagu daray 75 Milyan oo Turki ah ” ayuu Yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

Axmed Daa’uud

Halkaan Ka Daawo Sawirada Kulankii W/A/Dibadda Turkiga iyo Madaxweynaha.
Daawo Sawirada Dhismaha Mataanayaasha Istambuul iyo Muqdisho oo Bilowday

Xafiiska Wararka MuqdishoNews.com
MuqdishoSoomaaliya
Wararka@hotmail.com 

8 Responses to W/A/Dibadda Turkiga ” Soomaaliya waa Gurigeyga Labaad adinkana Turkigaa Gurigiina Labaad ah ” + DHAGEYSO

  1. Haykal says:

    Turkigu waa dawladii uguhoraysay ee siwalaaltinimo leh ugusoogurmata soomaalia taariikhda ayaa xusi doonta wanaaga iyo kaalmada ay siiyeen soomaalia waxaan aad ugufaraxsanahay soona dhawaynaynaa booqashada wasiirka arimaha dibada ee turkiga Axmed daa,uud oglo
    waxayna tusaale utahay sida uu turkigu ugarabtaaganahay soomaalia

  2. daljir says:

    islaan walba xaarka ay dhashay xaayow tiraahda baan maqli jiray ,umadd laga quustay ba wax burburinaysa waxna qsasayse maxaanu dunida caalamka saxb iyo cadow kalasaarna maanta

  3. mohamed Hagy says:

    Wax mooge alle ma cadaabo eey somalidu tiraahdaa…
    War Turkiyow maxaad aheeyd xageese, somalia ka salaamtay ,ujeedkaaduse waa maxay…ma waxaad dooneeysaa inaad na barto waxa calmaaniyada la yiraahdo ?
    Diinta iyo Dhaqaalaha aad la ordeeysid ma 20 sano ka dib ayaad ogaatay inaan walaalo nahay…? somalia Dhaqaalaha eey yeelatay ma hadda ayaa la abuuray ? Patrol ,beero ,Bada etc ? Badda somalia sow maaha tii aad qashinka sunta ah aad ku shubeeyseen? Patrol 50 sano ka hor wax laga qaban waayey miyaad hadda wax ka qabaneeysii…?
    Somalia waxeeyna la heeyn hadda ma yeelaneeyso…..ee Nahaabow ummadaan Faraha ka qaada..

    • Dalkeyga says:

      Asc, salaan ka dib waxaanjeclahay inaan u jawaab celiyo inta xun ee somali ku abtirsada sida dadka jecel meeshaan iney af xumo & ayaan daranta ah, is weeydii adiga inaa tahay qof garan kara wanaaga nolosha u leedahaya inaad ku noolaato, ama fahan horta oo aqri qoraalka ka dib ka bixi faalo, laakin adoo ogaan inaad af xumo lasoo boodo maahan, maxaa kuu diidaya inaad wax wanaagsan qorto, dad aiga oo kale ah waaye somali waxa dhibka ku haayo marka hore isku day inaad fahantid ujeedka qoraalkaaga, waayo nasiib xumada na heeyso waa in qof walba meel uusan gaarin aqoon garasho cilmi ahaan inuu soo istaago oo ka sheego waxii caqligiisa ah oo la soo boodo. marka waxaa wanaagsan qof waliba inuu la jaan qaado bulshda ku caqliga & damiirka ah, ee maahan inaad iska soodhex gasho meel wax aadan ka galin oo maanta laga yaabo iney taada ku heeysato ee adiga shaqsi ahaan ku dadaal inaan facaa aad kula jaan qaadi laheeyd, adoo raali ah oo waliba aan doonaayo inaan kaaga sheego wanaaga inuu Nabigena CSW, uu ku yiri xadiis saxiix ah { qofkii allaah rumeeyay & maalinta qiyaamaha. hadal wanaagsan haku hadlo ama ha iska aamuso. waa taas xaqiiqda. waana xaaram in la caayo qof muslim ah ama wax laga sheeko.. marka ilaahey wanaaga ha na tusiyo 4 all Soamli.

  4. bullo says:

    waanu soo dhawaynaynaa turkiya oo xisbi islaami(modrate)ahi uu hada hogaaminayo maxay soomaaliya ka heshay ama ku fali EGAD iyo waxaan dhaamin oo la hadhay turkigu waa dhqaalaha 16 tobnaad ee dunida haday na gacan qabtaan waa inoo nassib wacan inta somaliya inay dhib ku jirto jelaayoow eat your heart out xaasidna ma aflaxo

  5. Maxamed cabdullahi xamari says:

    Illaahay Waxaan Uga Baryayaa Somaalida Nabad Waarta Oo Ay Is cafiyaan. Mida Kale Dawladda Turkiga Aad ayay Inoo Dananaynasaa Ee Wax La Qabsada Waa Dawlad Muslim Ah Illahaybana Inoo Soo Diray.Ogoow Waxay Igad Ka Wado Kismaanyo Ee U Midooba Difaaca Dhulkeena.

  6. Axmed says:

    Asc bacda salan waxaan leyahay illahay ha.ina waa fajiyo waxii dalka iyo dadka somaliyed dani ugu jirto waxii dhib iyo dhagar wadana illahay hanaga qabto issagaa oge laabahoode iyo dhagartoodaba ooglo iyo waftigiisu haday walalnimo daacadnimo muslinimo ay katahay horomarinta ay sheegayaan waan so dhowaynaynaa lakin haddii ujedo kale oo hagar daamo ay wadaan waynu arki doonaa illahayna waxaanu ka baryaynaa in uu naga qabto inagana illahay iskeen fahantisiiyo amin amin amin

  7. hassan says:

    Aad iyo aad ayaan ula dhacsanahy mash-ruucan eey wodo dowlada an walaaha nahay ee turki-ga waxaan dhamaan walaaha somalida an ka codsanayaa in ey so dhoweeyaan barnamijkan hormarinta arima somalia

Leave a Reply