Monday, April 21st, 2014

Caasha X. Cilmi waa waddani Soomaaliyeed oo leh xilkasnimo, karti, aqoon iyo hufnaan

Waqtigu wuu soconayaa, taariikhdu way qormeysaa, adduunyadu waa gelinba ceyn, aadanuhu wuu dhalanayaa, wuuna dhimanayaa, dadku waari maayaan, wax baase ka haraya, samaan iyo xumaan tii ay noqotaba xusuus baa jireysa diiwaanka ku xarriiqanta. Waa dabeecadda nolosha in lagu soo hal-qabsado beri hore waxaa jiray, tiiyoo laga gaabsado waxa taagan ee isu tilmaanka iyo ku dayashada mudan. Soomaalida loogama baran qof aan dhiman inay wanaaggiisa sheegto, haa loogama baran qof nool inay ku ammaanto waxqabadkiisa.

Ummaddeenna wuxuu Alle ku galladay  dad xulanti ama kaalin-qaad ah oo garaad badan. Balse waxaa jira shakhsiyaad dhaliilo iyo ceebaal u raadiya qofkii dedaal u gala wax u qabashada bulshada, waxayna ku suntaan dabeecado iyo hab-dhaqan aan ka suuroobin. Markii la magacaabay raysul wasaaraha waxay ku eedeeyeen inuu yahay nin ay xaaskiisa daaha gadaashiisa ka hagto, illeen waa ummad garaad beeshaye, maxaa mudane iyo marwadiis is-maamulkooda iyo is-hagistooda ceeb ka dhigay?. Kaba darane qofta ay farta ku fiiqayaan waa Dr. Caasho Xaaji Cilmi, oo ah aqoonyahan hoggaanka u haysa hablaha nabadda iyo hurumarka soomaaliya u heellan.

Waxaa ka mid ah xildhibaan Dr. Asha Haji Elmi oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo qeyb ka qaadatay nabadda, dib-u-heshiisiinta, horumarka, caafimaadka, waxbarashada, shaqo-abuurka iyo sidii ay haweenka Soomaaliyeed saami fiican uga heli lahaayeen awood-qeybsiga hay’adaha dowladda, carruurtuna ay u heli lahayd daryeel, waxbarasho iyo xuquuq dhammeystiran, waxayna arrimahaas ku bixisay waqti iyo dhaqaale badan.

Waa waddaniyad daacad ah oo ka hufan eex, caddaalad-darro iyo qabyaalad. Waa geesiyad dhiirran oo awood u leh inay runta ka hadasho marka aanay in badan oo bulshadeenna ka tirsani sidaa u bareeri karin. Waa codka rajada dhiirrigeliya oo ku guubaabiya haweenka iyo aqoonyahannada inay midnimo iyo iskaashi ku dhisaan qarannimo taam ah.

Doorka haweenka

Xilli aanay dumarka Soomaaliyeed qeyb ka ahayn geeddi-socodka nabadda ayay Caasha Xaaji Cilmi u istaagtay dedaal ay ku doonaysay in haweenka wax laga wadaajiyo talada dalka. Waxay qeyb ka ahayd shakhsiyaadkii u dhaqdhaqaaqay in dumarka soddon boqolkiiba laga siiyo baarlamaanka Soomaaliya.

Haweenka waxaa u soo hoyatay guul weyn oo taariikhi ah mar haddii ay xukuumadda Soomaaliya ku yeesheen labo wasaaradood oo waaweyn oo muhiim ah.

“Qofta haweeneyda ah wax ay dhashay iyo wax iyada ka farcamay bay leedahay ee tol iyadu ma leh, qabiil ay sheegatana ma leh” ayay tiri Caasha mar ay ka hadleysay dhibaatada dagaallada ka soo gaaray dumarka, fikraddaas oo ah meesha ay ka keentay inay haweenku qabiil yeeshaan, kaas oo arrinta ugu weyn ee uu ka shaqeeyo ay tahay nabadda.

Nolosheeda iyo waxqabadkeeda oo dhan waxay u hibeysay sidii ay dedaalkaas uga miro-dhalin lahayd. Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaalida loogu qabtay dalka Jabuuti sanadkii 2000 (Shirkii Carta) waxay Caasha gaysay fikradda ah inay haweenku noqdaan beesha lixaad si ay fursad ugu helaan ka qeyb galka horumarka iyo siyaasadda dalka min degmo ilaa heer qaran. Soomaalidu waxay markaas wax ku qeybsanaysay afar beelood iyo bar oo u dhigmi karta shan beelood.

Waxay sanadkii 1992-kii wax ka aasaastay, isla markaana ay madax ka noqotay Ururka Badbaadinta Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed (Save the Somali Women and Children – SSWC). Waxay waxbarasho lacag la’aan ah u fidisay gabdho yaryar oo Soomaaliyeed. Waxay u dooddaa xuquuqda dadka dulman, gaar ahaan haweenka. Waxay maalgelisay xarumo ka shaqeeya caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Siyaasadda

Caasha Xaaji Cilmi waxay bishii January ee sanadkii 2004 ahayd haweenayda keliya ee wax ka guddoomisay wejigii ugu dambeeyey ee shirkii dib-u-heshiisiinta qaran ee Soomaalida loogu qabtay dalka Kenya, iyadoo ahayd haweenaydii ugu horreysay ee wax ka saxiixday heshiiskii nabadeed ee shirkaas lagu gaaray.

Waa siyaasiyad aaminsan inaan qalalaase lagu raadinin isbeddel.

Caasha waxay ka mid noqotay baarlamaankii kumeel gaarka ahaa ee Soomaalida loogu dhisay Kenya 29-kii August 2004, waxayna xilkaas haysay tan iyo sanadkii 2009.

Hadda waxay xubin ka tahay baarlamaanka Soomaaliya loo dhisay bishii August, 2012 kaasoo sida uu qorshuhu yahay shaqeynaya afarta sano ee soo socota. Waa baarlamaankii ugu horreeyay oo rasmi ah wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Aragtideeda siyaasadeed ee colaadda Soomaaliya mar ay cabbirtay waxay tiri “anigu waxaan iraahdaa dadka Soomaalida ah ma dirirsanayn ee siyaasado ayaa diririsanaa, siyaasadihii baana loo adeegsaday inay cadaawad dhex marto”.

Nabadda

Caasha waxay rumeysan tahay nabad in la dhiso inay u baahan tahay geesinnimo. Muddadii ay burburka ku jirtay Soomaaliya waxay u dhaqdhaqaaqaysay in la helo xasillooni iyo nabad, dedaal dheer bayna arrintaas u gashay waana tan keentay in sanadkii 2001 uu Xiriirka Nabadda Adduunka (International Federation of World Peace) u magacaabo ergay-nabadeed.

Sanadkii 2003 waxaa Caasha la guddoonsiiyay abaal-marinta la siiyo dadka u soo halgamay nabadda ee wax wanaagsan u qabtay bulshadooda.

Caasha waxaa sanadkii 2005 ay ka mid noqotay kun gabdhood oo loo xushay in laga dhex doorto qofkii la siin lahaa billadda Nobel Peace Prize.

Shakhsiyadda

Waa hooyo Soomaaliyeed oo leh karti iyo hufnaan, waxay hooyo u tahay soona barbaarisay qaar ka tirsan dhallinyarada ugu tayada iyo tacliinta badan Soomaaliya. sidoo kale, waxay aasaas u tahay qoys guuleystay marka loo eego heerka aqoonta carruurteeda iyo saygeeda oo hadda ah raysul wasaaraha Soomaaliya, waa halka laga yiraahdo (Nin kasta oo guuleysta waxaa guushiisa ka dambeysa haweenay wanaagsan oo garabkiisa taagan).

Waxay kaalin firfircoon uga jirtaa dedaallada lagu horumarinayo nolosha bulshada Soomaaliyeed iyo dhinacyada siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Dr. Caasha Xaaji Cilmi waxay ka qalinjebisay kulliyaddii dhaqaalaha ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena waxay shahaadada mastarka ka qaadatay qeybta maamulka ganacsiga ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Mareykanka (US International University) – Laanteeda Nairobi.

Caasha waa halyey ay ku daydaan dhallinyaro badan oo jecel inay diintooda, dadkooda iyo dalkooda waxtaraan oo kaalin libaax ay ka qaataan halganka iyo ruclaha loogu jiro tartanka dhinaca horumarka ee dunida. Allow dhowr oo guulee Caasha iyo inta la midka ah….Aamiin.

W.Q: Khaliif Cali Guure.

4 Responses to Caasha X. Cilmi waa waddani Soomaaliyeed oo leh xilkasnimo, karti, aqoon iyo hufnaan

  1. Bashir Farah says:

    Halgankii Caasha ka fiirso YOUTUBE-ka. Casha hambalyo Adiga iyo PM Shirdoon, iyo Macalinka Cilmiga iyo Caddaaladda Prof.Xassan Shekh.

    Prof. Xassan iyo Pm Shirdoon waa guulweyn weyn. Waa madaxweynihii iyo PM-kii ku guuleystay in danaha Somalia la fuliyo. Somalida BBC-da wax ku qorta -facebook-boqolkiiba 95% waa ku farxeen ansixinta dowladda; Boqolkiiba 2% waa Al-Shabaab; Boqolkiiba 3% waa qabyaaliste raadinaaya lacag la musuqmaasuqo ama la-xado. Kismaayo waa in lix-gobol u noqoto Caasimad. Kismaayo waa furaha dhaqaalaha Somalia. Kismayo for all Somalis; Madaxweynaha Kismayo waa Prof-ka Cilmiga iyo Caddaladda Xassan Shekh. Barlamaanka waa in uu ansixiyaa in Kismaayo Caasimad u noqoto qabiilada dega Baydhabo,Barawa,Gedo iyo Jubooynka.

  2. muna says:

    Mahadsanid walalka qoray runtaan casha waa walashey saxibadey macalimada gabdhaha somaliyeed waxaan rajeynaya inaan kudaydo raaco daroiqan wanagsan allow dhowr,

  3. Bashir Farah says:

    Thanks Miss. Muna.
    Hadii aad fiiriso Youtubyada ee shirarka caalamiga ah ee Sister Casha ka khudbeyneyso, waxaad garan in aay tahay gabar caqli-badan oo cilmibadan. Waxay karti u yeelatay in Af-igriis ku dhiibto cashar falsafad ah oo aad u qalafsan. Waxaan ka bartay casharkaas in qofka halganka ku jira uu joogteeyo maalinkasta, taas oo hubaal ka dhigaaysa guusha uu raadinaayo, sida xuquuqda haweenka. Halgankii Sister Casho ee in Somalia laga dhiso dowlad wax ku ool ah iyo in dumarku helaan xuquuqdooda waa la gaaray, Nov.7/2012.

  4. khadija says:

    aad baa kaaga markhaati kacayaa iney caasha xaaji cilimi ay tahay garaad badan geesiyad ah soomali ka sheegan waa qof qadarin mudan maantana soomaliya waxaa gacanta taladeedii loo geshey caasha seygeedii oo soomali ay u baahi qabeen caasha waan ku salamay macaaneey waana kuu habalyeynayaa xilkaas uu seygaada qabtey allaha u fududeeyo aamiin aamin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>