Thursday, April 24th, 2014

Dowlada Kenya Ciidamadooda Magaalada Kismaayo ma qabteen mise wey qabsadeen ?

Magaalada Kismaayo oo ah xudunta gobolada Jubooyinka waa magaalo tan iyo markii uu bur burka ka dhacay dalka ee isaga kala danbeeyeen gacano aad u fara badan oo aan si sahal isugu wareejin mid waliba marka uu maalmo ka taliyo waxa uu la kulmiyay mawjado dagaalo oo laga soo abaabulayay dalalka deriskeena ah asala ahaan dadka degan magaalada kismaayo waa dad il baxa ku ah isbadalada waxa ayna had waliba ay taageeran oo ay la shaqeeyaan midki ku gacan sareeya oo reerka ku soo hara

 

Markase la tilmaamo muran siyaasadeed iyo xukun maroorsiga gobolada jubooyinka waxaa uu salku ku haya waxa la oran karaa ma ahan mid kaliita ismaan dhaafka bariga dhexe waayo gobolada waxaa ku wada nool in ku dhow 40 qabiil oo isugu jira kuwa asal ahaan xuduntooda ay ku duugan tahay iyo kuwa ugu darmay siyaabo kala duwan kuna kala danbeeyay soo degi taankooda.

 

Tan iyo dowladii kacaanka siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba waxaa muraayada ka muuqanayay waxay ahaayeen beelihii dul dagay beelihii degenaa Jubooyinka.

 

Tan labaad gobolada jubooyinka waa gobolo wada kulansaday qayraadka dabiiciga oo aan lahayn gobolada kale sida Bada Wabiga Dhul beereed Dhul daaqsin Xoolo nool iyo waliba ganacsi aad u xoog badan waana qayb ka mid ah sababta keenaysa in qabsashadooda loo soo jabhadeeyo

 

Tan sedaxaad waa dhul ku fiican xaga istaraatiijiyada dagaalada kooxihii loogu awood roonaado ayaan maamulo waxay awood u helayaan inay si fudud ugu talaabaan xuduuda uguna nabad galaan cadowgooda

 

 

Tan afaraad waa tan ugu daran oo ah saamaynta dagaalada jubooyinka ay ku leeyihiin dalalka itoobiya iyo kenya oo hadba jabhad ku soo dhiiri gelinaya inay qabsadaan jubooyika ayagoo ujeedadoodu tahay in aanay gobolada ku beermin jabhado mucaarad ku ah oo wax yeelo u geysta dalalkooda sanadihii u danbeeyay waxay jubooyinka ka mid ahaayeen gobolada ay maamulayeen xarakada al shabaab ma jirin wax muran ah oo ka imanayay maamuladooda xata oday dhaqameeyadu waxay ahaayeen kuwa xeeladahodoa kula xoogsanayay xeerarka ka jira labada gobol hase yeeshe markay bilaawday dowlada kenya qorsheheeda ku aadan xoreynta jubooyinka ayaa la maqlay shux shuxda iyo is garbinta qabaa’ilada ku aadan maamulka loo dhisi doono jubooyinka waayo ma ahayn howl ay isla fahansanaayen soo feregelinteeda arimaha jubooyinka dowladihi soomoaliya ka jiray iyo dowlada kenya haba kala tabar yaraadaane balse halka arin ay isla fahansanayeen aya waxay ahayd in xarakada al shabaab oo ay labada dowladood u arkayeen in amaankooda halis ku yihiin in meesha laga saaro.

 

 

 

Hase yeeshe la tashi la’aanta dowlada kenya iyo dhismaha maamul goboleedka Azaaniya jubooyinka oo sii xoogeystay ayaa waxa uu xiligaa sababay in uu mad-madow soo dhex galo siyaasadaha Soomaaliya iyo Kenya waxaana tiro xildhibaano ah oo aad u jir diidana dhaq dhaqaaqa madaxda kenya ay wadaan barlamaanka xiliga ay keeneen mooshin ka dhan ah heshiis afgarad lagu macneeyey oo ay xukumadii cumar cabdirashiid la saxiixatay dowlada kenya kaa soo salka ku hayay xuduud badeedka labada dal dood dheer ka dibna baarlamaanka waxuu isku raacay in heshiiskaasi waxba kama jiraan laga dhigo dowlada kenya oo mar waliba ka go’nayd inay mar un xididada u siibto awooda al shabaab jubooyinka si ay u yaraato qataraha kaga imaanayay marna dhag jalaq uma siin doodaha ka dhanka ah ee ka socda gudaha soomaliya waxayna mudo ka dib si daxadar ah leh taariiqda markii ugu horeysay xuduudooda ka soo talaabeen xudooda ayagoo garabsanaya jabhada raaskambooyi uu hogaaminayo Sheekh Ahmed Madboobe oo ah sarkaal horey ugu tirsanaa xarakooyinka islaamiga ee ka dagaalamayay gudaha soomaliya iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan dowlada soomaliya oo in mudo ah loo carbinayay howl galka jubooyinka hase yeeshe soo gelitaanka ciidamada kenya gudaha soomaliya waxa uu abuuray mar kale muran siyaasadeed heer madaxeed ah iyo weliba mid hoose oo ay ku kala qaybsameen madaxda dowladihi soomalaiya ee xiligaasi

 

Balse beesha caalamka oo u aragtay arinkan inuu xad gudub ku yahay xeerarka caalamiga ah ee dowladaha deriska ah dowlada kenya ku taageersan ka hor taga halisteeda amaankeda waxa ayna xaalkii ku xaliyeen in ciidamad kenya lagu daro howl galka maletari ee ka soconaya somaaliya aakhirkiina soo gur guurasho dheer ka dib ciidamada kenya iyo jabhadihi la socdayba waxay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan magaalada kismaayo

 

Ma jirin siyaasad mideysan oo salka mugii ah oo ku aadan aayaha jubooyinka hadii al shabaab laga saaro waxa laga yeelayo waxaase madaxda kenya mar kale qarsan waayeen colaadi ay u hayeen dowaldi kumeel gaarka ahayd ka dib markii wafdi ka socda dowlada kenya oo markii ugu horeysay booqasho ku yimi muqdisho si uu kulan ula qaato madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ka hor ku guuleystay doorashadi ka dhacda dalka soomaaliya balse nasiib daro inta uu socday kulnkaasi waxaa lagu baraarugay qaraxyo ismiidaamin ah ku waaso qal qal geliyay kulamadi labada dhinac qaraxyadan oo ay sheegteen al shabaab ayaa dad badani fajac ku noqotay ka dib wasiir arimo dibadeedka kenya oo wafdiga hogaminayay laga soo wariyay inu falka ka danbeeyay madaxweynihi hore ee somaliya Mudane Sheik shariif sheik ahmed .

 

Mar kii lays dhaafsaday hadalo diplomaasiyadeed oo jawaab celin iyo beenin ah lama oga in lagu kala dawooway iyo in kale balse xiisada kismaayo labadii todobaad ee u danbeysay ayaa ahayd xarig lama sitaan waayo meel waxaa ka socday muranka waxa laga yelayo dhuxul aad u fara badan oo halkaa daadsanayd in kastoo qaramada midoobay iyo dowlada somaliya ay ka soo saaren go’aano hadan ma fulin oo waxa la soo warinaya in dalwada kenya iyo maamulka sheekh ahmed madoobe ay dhagaha ka furaysteen meel kalana waxa lagu karinayay sidii maamul mideysan loogu samayn lahaa gobolada jubooyinka.

 

Balse si loo sahmiyo xaalada Kismaayo dowlada Soomaaliya ay u muujiso saamaynteeda gobolada waxa ay marki ugu horeysay wafdi saraakiil ciidan u badan oo hogaaminayay wasiirki hore ee gaashaandhiga waa la soo dhaweeyay waana la soo sogootiyay balse xaalka waxa uu xumaaday markii mar kale loo diray gudi maamul u samayn ah oo u madaxweynaha magacaabay halkaasi oo ay kala soo kulmeen weji gabax iyo in maamulka sheekh ahmed madoobe iminka aan diyaar u ahayn in ay kulan la qaataan.

 

Sidoo kale ma ahayn go’aan ka lagu soo eryay gudiga mid gaar u ah madaxda raaskambooni ee waa mid ay la wadaageen dowlada kenya oo awalba shaki badan laga qabay howlgalkeeda malateri ee ku aadan gudaha soomaliya ugu danbeyntii hada lama joogo maalmihi kumeel gaarka waxaan dooranay dowlada awood siyaasadeed leh oo la xisaab tami karta deriskeeda iyo caalamkaba siyaasada ka socota kismaayo ma ahan mid sahlan laga war wareegi karayo sidaa daraateed waxaa madaxdeena loogu fadhiyaa jawaabta ay ka bixin lahaayeen su’aasha ah KISMAAYO MALA QABTAY MISE WAALA QABSADAY?

5 Responses to Dowlada Kenya Ciidamadooda Magaalada Kismaayo ma qabteen mise wey qabsadeen ?

  1. dagan says:

    S/C waxaan moodaynay in aan helnay dowlada dhibtii ummada ka saarto laakiin waxaa ii muuqatay ninka lagu khaldamay asaga iyo gudiimiyaha barlamaanka ha daaween waa xa ay kawaan dalka,maalintii la doortay M/W ma jeclaysan wajigiis waxaan ku leeyahay ummada ka dhaafa dhibta waxaa soo noqday kala qaybinta dadka idinka oo aan haynin 7maalmood jawaari qofna khalad ha ku raacin waxaan idin doortay dad kooban oo ummada wakiil ka ah ma caayayo qofna ummada ummada

  2. ubax says:

    M/w jawaari ka baxa waxaa wadaan ummada dhib ha u celinina wixii laydun dhaariyay qabta shaqadiida ILLAHAY HA IDUN TU SO XAQA DALKA IYO UMMADA DADKU WAXAY DIYAAR U AHAAYEEN IN WADANKOODA DHISTAAN KUWA MAQAN SOO NOQDAAN

  3. Xasan maxamed codorosh says:

    Waxay ila tahay anagi in howsha lakala qaado midu waa galitanka kenya edalka kenya midna waa mamul usamaynta juboyinka midna waa dorka kaga adan madaxda dowlada,hadaba hadan ku hormaro galitanka dowlada kenya dadku siyabo badan ayay ku macneyen waxana dadku ubadanyahay fikirka ah in kenya dan kaledahay dalka nocwalbaba hakusalaysnade.hadan usodago qodobka labad mamul usamaynta juboyinka waxa ay utala dadka dagan deganka sida uqorayo axdiga qaranka somaliya.hadba maxay tahay dorka uga adan dowlada soomaaliya mamul usamaynta juboyinka?waxa an dah sarneyn ocad in ay kuheshiyen belaha walalaha ah edaga goboladas mamulka gobolkas wayna ku saxsan yihin sida fadaralku ubaneynayo, madaxweyna somaliya waxa usocdal kutagay baydhabo waxa una u ogoladay in dadka halka dagani mamul sameystan wana ukusaxsana waxa kale o usocdal kutagay magalada baladweyne waxa una kuyiri kadalki ukuyiri beydhabo.waxan isweydineyna maxaa madaxweynu ugu didanyahay in dadka dagan juboyinka iney dhistan mamul?maxaysa kaga duwantahay kismayo beydhabo iyo baladweyne?solama oran karo hadalka mudane xasan shiik waxa ukicinkara dagal ahli ah?somasa muqato cadalad daro iyo xadgudub lugu sameynayo beelaha qaar?ninka qoray qormadan waxan donaya in ukajabo su’alahan

  4. sabir says:

    asc dhaman walaalaheyga soomaliyeed guud ahaan iyo caam ahan ba,,, hadii aan aroorto fikir keeyga waxaa ey ila tahay kismaayo lama qaban ee waa la qabsaday sida hada wax u socdaan hadii aan wax ku qaadano,,,,

  5. mukhtaar abdilaahi says:

    KINYA CIIDAMEEDU KISMAAYO WAY QABSEEEN EE MAYQAB DANTOODIINA WAY KU GUULAYSTEEN LKN WAXAA HABOON IN RASKAMBOONI LAGA LOO SHEEGO DANTOODA IYO TA SOMALIDABA TANTA KENYANA ANAY IYAGA DAN U AHAYN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>