4 tii Abriil ee Sannadkaan ayey ahayd markii Qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Magaalada Muqdisho waxaana Qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaartey dad fara badan oo ay ugu badnayeen Saxafiyiin waxaana Dadkaas ku jirey Wariye Saciid Warsame Shuriyaako oo isagu soo gaarey Dhaawac Culus, waxaana lagula tacaalayey isbitaalada Magaalada Muqdisho
Wariye Shuriyaako oo Filim qaade u ahaa Idaacada iyo TV-ga Shabeele ayaa mar aan ku booqdey Isbitaal Madiina waxaan wax ka weydiiney Xaaladiisa Caafimaad waxaa u ku jawaabey isagoo aad u Murugeysan islamarkaana uu Xanuun hayo “ Waxaan ku jiraa isbitaalka ilaa Sideed Bilood Xaaladeyda Caafimaad waxba iskama Badelin Ha noqoto Daryeel Guud ama mid Daawo inkastoo mar la ii qaadey Jabuuti halkaana kama soo helin Daryeelkii aan u baahnaa waayo marka la fiiriyo Soomaaliya iyo Jabuuti waxaad is leedahay Caafimaad ahaan waxaa dhaama Soomaaliya “
Mar aan weydiiyey halka looga badan yahay waxaa uu ku jawaabey” Marka hore Labada lugood waa Burbursan yihiin , Kelyaha iyo Dhagaha Dhaawac ayaa iiga yaala oo Xanuunkooda ma Xameli karo , lugahana iyaga Warkooda daa waa sida aad u jeedo halkaan ayey igu haystaa daryeel Xumo aad u weyn.
Wariye Shuriyaako oo mararka qaar ay ilmo ka soo daadaneysey ayaa waxaan weydiiyey bal in ay la soo Xiriirreen Maamulka Idaacada Shabeele maadaama uu u shaqeynayey markuu Dhaawacmayey waxaa uu yiri ” Dhowr Bilood baan halkaa ku jiraa Maamulka Idaacada Shabeele ima soo Booqan waxaana kuu sheegayaa Idaacada Shabeelle Cidina kama Dhimato kamana Dhaawacanto waa iska Xaalka Adduun, waxaan kaloo Maqli jirey Ruux Bukaanka kuugu Nacay Adoo baahan KaaTagey Samo Kuma Banaana ilaa iyo Tobaneeyo iyo in ka badan ayaa laga Diley ama laga Dhaawacay Idaacada Shbeele cid sidaa u fiirisey ma jirto anigana kuwaas baan ka mid ahay ee la Hilmaamey“
Maxaa kula Dardaarmaysaa Wariyayaasha kale ee iyana Xilgaan Shaqeeya ayaan weydiiyay waxaana uu yiri “ Soomaalida waxay Tiraahdaa Sadar Muuqda Su’aal ka dhan ,marka walaalayaal waad ii jeedaan sida la ii Dayacay inta aad Bad qabtaan waa la idiin jecel yahay laakiin maalinkaad dhaawacantaan ama Dhmataan ayaad ogaan doontaan maanta aniga iyo caruurteydii aan u shaqeysan jirey dhamaanteen waa nala dayacay “.
Ugu Dambeyntii Saciid Warsame Shuriyaalko oo markaan wareysanayey uu ag fadhiyey Walaakiis Maxamuud Warsame Shuriyaako oo isaga la Murugoonayey Walaakiis ayaa waxaa uu ugu Baaqey Dowlada Cusub in ay Gargaar Aadanimo u fidiso, sidoo kale Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ayuu ugu baaqay in ay gacan ka geystaan Caafimaadka Wariyahaasi, waxaa kale uu baaq u direy Wariyayaasha kale ee Soomaaliyeed ee ku noola Caalamka in ay gacan ka geystaan sidaan ku heli lahaan Caafimaad buuxa.
Daawo Sawirro Wariyaha laga soo qaaday isagoo Hosbiyaal yaala.
Haddii aad Dooneyso in aad Caawinto kala Soo Xiriir
Wariye Saciid Warsame Shuriyaako
Tel 00252616450712
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Nagula soo Xiriir Wararka@hotmail.com
waan idin salamayaa dhamaan shaqaalaha
muqdisho news.aad ayaan idin kugu mahad celinayaa waranka aad noo soo gudbisaan.
waxaan idin leeyahay hadaalina wada ilaah ayaa idin lajiro.mida kale waxaan idinka codsanayaa in aad meel dheer wax kafiirisaan.waad lasocotaan xaladda muqdisho markaad magaladda aadaysaan qata hubkiina.cidna ha.aminina.mida kale nin kaan odeygaa xaladda xun ayaa haysato waa saciid warsame shuriyako isku daya inaad ugargaartaan.ILAAHBAA adinkana ajir iyo waxkabadan idinkugu bedelayee maanta wuu liitaa.anakana beri ayaa laga yaabaa taas oo kale in ay naqabsato
SACID WARSAME SHURIYAKO.WALAAL NIYADDA QAYR USHEEG WAAD IGA HELAYSAA AQBAAR SIDA UGU DHAQSIYAHA BADAN WAAN HAYAA TELEPHONKAAGA WAANA KU SOWACAYAAA INSHA.ALAH HADII AAN NOOLAHAY.ILAAH AYAAN KUU BARYAYAA IN ILAAH CAFIMMAAD KU SIIYO.WAAN DAREMAYAA XALADDA AAD KU SUGAN TAHAY QAYR AYAAN KUU RAJAYNAYAA
a/s dhaman warisha wan in salamaye waan usoducenay wariya in uu ilaalahye dhawicisa ka kacasho mudo badan uu lajifaye waan umadi celinay dhaman shaqala ah shabakada waan ku so ducenay wariye saciid shuuriyaako
Asc dhaman walalaha somaliyed mel kasta o ay jogan run ahaanti in wariye wax la yelo wa murugo iyo ciil mar kastana i daren siisa aniga murugo faro badan inti dhimatay allaha u naxariiso inta dhaawaca ahna allaha caafiyo inta noolna allaha amaansado ayan yelayahay wana u duceynaya walalken siciid shuuriyaako caafimaad taam ah allaha siiyo walalken
asc walaaloyaal halkeebaan kale xariirnaa walaalkeena
asc walaalo yaal halkeebaan kala xariirnaa walaalkeena
wan idin salamay dhaman gar ahan mudane c\qadir yare
runte waxa hesto walal ken said an uga xumahay qof kasto bini adan nimo ku jirta wu daremi kara xalada hesato wariye sacid warsame shuriyago bini adan nimada an egno an wax isla qawano somali waxa tirahda far kali ged fol ma dhaqdo wa wariye bahja o figir keda aha
Sry wn ka xumahay it’s first day oo aan arko wariye said walal alle haku cafiyo
asc dhamman waan idin salaamay inaa lilaahi inaa ilayhi raajicoon runti waan ka xumahay shuuriyaako xaaladiisa waxaan is leeyahay shabeelle iga ayaa ka ganacsada wariyaasha dilkooda w/dddd
mu