Gaasow gaas ha ku shubin Puntland, W/Q Xildhibaan Xuseen khalif Xaaji

Inta Akhrisatay :8931

Wakhtigii ololaha madaxweynaha aan ku jiray, waxaan safar dheer ku maray bishuu Juun ee la soo dhafaafay magaalooyinka teedsan waddada dheer ee isku xirta Puntland halkaas oon dadka kala hadlayey arrimo siyaaso ee khuseeya dawladda dhexe.

Dadka aan la kulmay marna kalama kulmin wax cabasha ama cabburin ah. Teeda kale, odayaal ama shacab ama xitaa shaqaale dawladeed iyo madaxda qaar keed, kulli si fiican bay ii soo dhaweeyeen, mana jirin wax is hortaag ah ee aan dareemay intaan marayey waddada u dhaxaysa Gaalkacyo ilaa Bossaaso, Xaashaa waxay ahayd lama illaawaan.

Waxaa isweydiin mudan maxaa keenay in walaalkay Cabdiweli qaylo dhaan ka sameeyo safarkiisi booqashada ee uu ku marayey PL.

Aniga waxaan qabaa inaysan ahayn caddis dadka saaran ee ay tahay damac asaga ku jira ee uu doonayo inuu dadka ku kiciyo. Dadka PL waa ogyihiin xaaladda mandiqada odyaashooda ayaan ayiday aftidii koobnayd ee dawladdu qaadday bartamihii bishaan ee nuxurkeedu ahaa in doorashada madaxweynaha hal sano dib loo dhigo. Ma qabo in siyaasiyiintu go’aankii isimmadu ayideen daba maraan ama naqdiyaan, ayagoo weliba leh waan ixtiraamaynaa ismmada. Khalad ama sax go’aanka isimmadu waa kama dambays.

Dhanka dib u dhaca horumarineed, ayada nafteeda dawaladda federalka ee walaalkay madaxda ka ahaa waxbaa uga soo noqonaya. Dawlad goboleedka waa ka imkaaniyaad badnaa tan dhexee ee Abdiweli hormuudka ka ahaa. Marka walaal waxaa isweydiin leh waxa aad u qabatay gobollada aad ka soo jeedday.

Cabburinta siyaasadda nafteeda, raggii road-mapka ka tirsanaa lama wada ammaanayn.

Waa la ogyahay in raggii federaalka u tartamamey ay sameeyeen xadgudubyo dhanka qoridda xildhibaannada. Aan ku qoree maa ii codaynaysaa bay ahayd hal-hayska Xamar yaalley, marka takartu Faroole kaliya ma saarna.

Walaalkay Gaas waxaan oran lahaa xaq waad u leedahay inaad madaxnimada PL isu sharraxdid, laakiin inaad xiisad aan hadda taagnayn inaad furtid ilama qummana, aadna ka dhigtid go’aankii Isimmada waxba kama jiraan.

Xurugufta adiga iyo faroole idiin dhaxaysana waxaan ku talin lahaa ama inaad si toos ah isaga aragtaan ama aad la sugtid markay habboonaato ee aad masraxa siyaasadda kula hardantid.

Gunaanad. PL uma baahna xaalad abuur.

Waa in shacabkeedu kala hadlaa dawladda wixii ku saabsan qaddiyadda doorashada iyo sidii ay ku noqon lahayd mid shafaafiyad ku dhisan. Nimaan idiin furi doonin yuusan idiin rarin. Haddii aad Ali aragteen, Warsamoow maandhow.

W/Q: Xildhibaan Xuseen khalif Xaaji
hkjama@hotmail.com

 


Shabakada Muqdishonews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii U Danbeeyay

Somalia Sacuudiga: Soomaaliya oo ka badisay Nigeria
- May 24, 2013
Soomaalida waxay ku qeybyihiin Nigeria oo ay xalay la cayaareen, Cameroon iyo Chad oo ...
images Kenya oo looga digay taageerada maamulka Jubbaland.
- May 24, 2013
Dowlada Kenya ayaa waxaa la weydiiyay inay dib kaga fakarto taageerada ay siinayso maamulka ...
asasd Siyaasiga Xasan Maxamed Cismaan [Xasan Xaaji] oo Ku Dhawaaqay inuuu Yahay “Madaxweynaha” Jubbaland?
- May 24, 2013
Iyadoo maalinba maalinta kadambeysa ay sii kordhayaan tirada siyaasiyiinta ku dhawaaqaya inay yihiin madaxweynaha Maamulka ...
asada Dowlada Kenya oo laga dalbaday bilowga diiwaan gelinta qaxootiga Soomaaliyeed.
- May 24, 2013
Dowlada dalka Kenya ayaa waxaa laga dalbaday inay dib u bilowday diiwaan gelinta qaxootiga ...
_67788422_018096031_ap Weeraro ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Niger iyo dad badan oo dhintay.
- May 24, 2013
Weeraro ismiidaamin ah ayaa waxay ka dhaceen xerooyin ciidamada meletariga ay leeyihiin oo ku ...
13721 Banaanbax kii ugu weynaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- May 23, 2013
Ujeedka Isu soo baxa ayaa ahaa labo arin waa mida koowaad taageero loo muujiyay ...
13718 50 guuradii kasoo wareegatay aasaaskii midowga africa oo loo dabaal dagayo
- May 23, 2013
Ururka Midowga Africa ayaa isbuucaan gudihiisa u dabaal degaya 50 sanoguuradii ka soo wareegatay ...