Thursday, April 24th, 2014

Taariikh Nololeedka Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

C/qaadir Faarax Shirdoon oo loo yaqaano Dr Saacid waa Ninka loo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo daqiiqado ka hor magacaabistiisa looga dhawaaqay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya

Dr Cabdi Qaadir Faarax Shirdoon waa Muwaadin Soomaaliyeed oo bulshada dhexdeeda Magac ku leh, waana Aasaasihii Hey’adii gargaarka ee Saacid oo runtii kamid ah Hey”adaha gargaaray Mujtamaca Soomaaliyeed ee xiliyada adag soo maray.

Dr Saacid wuxu ku dhashay Degmada Dhuuso mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud sanadka markuu ahaa 1958, wuxuu waxbarashiidiisii asaasiga aheyd ku qaatay gudaha wadanka sidoo kale Waxbarashadiisii Jaamacadeed wuxuu wax ku bartay Jaamacadda Umadda Sanadii 1983 ayuuna ka qalin jabiyay.

Dr Saacid wexey isku heyb yihiin Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo loo maleynayay in markii hore lasoo magacaabayo, oo wuxuu kasoo jeedaa Qabiilka Mareexaan, Reer Diini, Reer Dalal.

Maadaama Sharciga awood qeybsiga ku saleysan ee Soomaaliya uu Xaqiijinayo in Hal Jufo ay labada Xubnood ee ugu muhiimsan dowladda wada qaadan karin ayuu Dr Saacid ku noqday in Ra’iisul wasaare loo magacaabo bacdamaa ¬†Beelweynta Daarood ee uu ka dhashay ay yeelaneyso Jagada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya hadii qabaa’ilada kale ee aaan hawiyaha aheyn la magacaabin.

Dr Saacid wuxuu dhalay 4 Caruur ah waxaana u dhashay Caasho Xaaji Cilmi oo ah Siyaasiyad Ruug cadaa ah markeedii horena Siyaasadda kasoo gashay ururada Bulshada Rayadka ah.

Sanadii 1985-tii wuxuu Dr Saacid kasoo shaqeeyay Wasaaradii Maaliyadda Maadaama uu Cilmiga dhaqaalaha bartay uuna yahay Dhaqaaleyahan.

Halkaan ka aqriso Warbixin aan ka qornay ka hor Magacaabistiisa.

Facebook nagu darso

Xafiiska Wararka Muqdishonews.com
Muqdisho-Soomaaliya
Nagula xiriir wararka@hotmail.com

5 Responses to Taariikh Nololeedka Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

  1. Jamac mahamed ali says:

    Run ahaanti wan ku farax sanahay ra iisul wasaraha cusub

  2. Xalima says:

    Asc akhyarta warbahinta kadib wan sodhaweyneynaa raisul wasaraha cusub ee somaliya wana kufaraxsanahey in manta lamagacabo raisul wasaraha cusub waxan sugnaba waa waxqabad kisa waxana leyahay wajibkaga ugudo sida lugu dhibey wana mahsnthn by

  3. qadar as saxaf says:

    waxan leyahay kuso dhawaaw xubintan muhimka ah
    waana kufaraxsanahay
    wajiyadan cusub iyo
    isbadalka kajira somaalia
    waxana halkan kasalamaya
    dhamman
    madaxda cusub ee somaali.a

  4. ashraf says:

    waa dameer iyo labadiisii daan mareexaan ayaa ka degay mareexaan kale le fuulay waxba sheegimaayaan

  5. Eng Elmijaar says:

    Insha alaahu ilaahay ha u fududeeyo xilka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>